arahdoonasho eeg arahdoono. ld arahdoonad.
arahdoonid ld arhid.
arahdoono Dad miro, xabag, caws, iwm. raadsasho.
aram Diirdiir yar oo caleenta digirta cunta.
arammi Xanuun ka dhasha nabar hore oo aan si dhab ah u biskoon; doog(ta).
aranjaato Cabbitaan laga sameeyo liinxaali, biyo iyo sonkor oo midab hurdi ah leh.
arar 1. Dhulka u dhow ee ku heeran ceel ama degaan. 2. Gogoldhigga loo sameeyo hadal ama qoraal. 3. Daaqidda ay xoolo la waraabshey soo daaqaan inta ayan rakaadan.
ararad ld ararasho.
ararasho eeg araro. ld ararad.
arari Xoolo cabbay oo la rabo in la rakaadiyo caws geyn.
ararin eeg arari.
araro 1. Hadal ama qoraal gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho. 3. Xoola la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq tegid.
arax 1. Xiriirta lafdhabarta qaybteeda sare oo ay feeraha is-haystaan. 2. Xubin hilib ah oo ka kooban dhowr ricirood iyo cadkooda. 3. Sac, saddex da'ood ama ka badan dhalay.
araxdaaco Deri.
araxnimo Arax ahaansho (sac).
araye Maroodiga lab oo raxanta hoggaamiya; arbe.
arayl (kiim.) Koox orgaanig ah samaysanta marka atam haydarojiin ah laga saaro haydarokaarboon aroomaatig ah ama mid ka farcamay.
arbaco Maalinta afraad ee toddobaadka, una dhexeysa talaadada iyo khamiista.
arbe 1. Araye. 2. Shabeelka lab.
arbucuun1 Quraan ama duco loo akhriyo xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo. arbucuun2 Xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo quraan ama duco u akhrin. arbucuunaan eeg arbucuunan. ld arbucuunaansho.
arbucuunaansho ld arbucuunaan.
arbucuunan Wax arbucuun loo akhriyey ahaansho (xoolo lumay).
arbucuunid eeg arbucuun². ld arbucuunis.
arbucuunis ld arbucuunid.
arbush1 1. Xaalad xasillooni la'aaneed ee cidi ku sugantahay; qas; lab; rabsho. 2. ld arbushid. arbush2 Cid xasillooni la'aan badid. arbushaad ld arbushid.
arbushan1 Wax la arbushay noqosho.
page : 55 of 75
<< < 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 > >>