Ereyga Maanta: caynaano
hibeyn  eeg hibee.
hibitiq1  1. Daadashada hoore dhibic-dhibic uga daato wax; hibiiriq. 2. ld hibitiqid. hibitiq2  Hoore dhibic-dhibic u soo dhicid. hibitiqid  eeg hibitiq². ld hibitiq¹ (2).
hibnoosis  (daaw.) Xaalad hurdo ahaaneed ee lagu sameeyo sida badan qof u jenjera duufsashada iyo xasuusta dhacdooyinkii hore; waxaana sameeya qof xeeladda hibnoosiga yaqaan (hypnotist).
hibo1  Deeq aan dan gaar ah laga lahayn oo cid la siiyo. hibo2  Dhacdo la dhibsado dib u xasuusasho. hiddarraac1  1. Baaridda dad ama xoolo meesha asalkoodu ka soo jeedo la raadiyo. 2. Qof ku dhaqma caadooyinka soo jireenka ah ee dadkiisa. 3. ld hiddarraacid. hiddarraac2  1. (f.g) Dad ama xoolo abkood iyo isirkood baarid. 2. (f.mg) Dad iyo xoolo firkood raacid. hiddarraacid  ld hiddarraac¹ (3).
hidde  Soo yaal fil weyn oo la iska dhexlo oo ummad gaar ahi leedahay. ld hiddo.
hiddiwaale  1. ld hirimmaale. 2. Qof dadka been ku maaweeliya.
hiddo  ld hidde.
hiddo-barasho  (baay.) Laan ka mid ah cilmiga bayoolojiga oo ku shuqul leh barashada hiddaha iyo kala duwanaanshaha.
hiddo-barasho tirada dadka  (baay.) Barashada filiqsanaanta, dhaxlidda, kala duwananshaha koox noole ah oo isku sinji ah.
hiddo-sheeg  (baay.) Samayska hiddo-side ee noole, taa waxa loola jeedaa isku darka aliilada uu leeyahay.
hiddoside  (baay.) Halbeeg hidde oo ka kooban DNA. H. waxa loo qeexi karaa in uu yahay dhererka ugu gaaban ee koromosoom kaas oo aan la jejibin karin, ama mari karo dhalan geddis-hiddoside; labada halbeegba waxa loo garan karaa hal lammaane oo sal u ah taxanaha niyukliyootaydhka, kaas oo sameeya DNA.
hididdiilo  Filasho la fisho wax la sugayey. ld yididdiilo.
hidin  Kartida loo yeesho wax bixinta.
hifasho  eeg hifo.
hifo  Dhacdo hore ka eed sheegasho.
hig  Cod lagu muujiyo buuxidda.
higaag1  1. Suun ama xarig weelasha qaarkood lagu dhuujiyo si aysan u furmin. 3. Dibbiro, fuur. higaag2  Suun weel ku dhuujin. higaagad  ld higaagasho.
higaagan1  Wax fuursan ama dibbirsan noqosho. higaagan2  1. Wax higaag ku xiran ahaansho. 2. Wax fuursan ahaansho. higaagasho  eeg higaago. ld higaagad.
higaagid  eeg higaag².
higaagmid  eeg higaagan¹.
page : 56 of 93
<< < 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 > >>