arkood eeg arkoo.
arkoon Wax la arkooday ahaansho.
arkoonaan eeg arkoon. ld arkoonaansho.
arkoonaansho ld arkonaan.
arlaa'i ld arlo.
arli ld arlo.
arlo 1. Dhul ballaaran. 2. Dal; waddan. ld arlaa'i, arli.
armaa Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; ma laga yaabaa in, billaa. Tus. “Armuu Cali ii imaan doonaa”. ld amaa.
armaadyo ld armaajo.
armaajo Qalab qori ama bir ka samaysan oo guryaha iyo xafiisyada la dhigto, leh qaabab kala duwan iyo khaanado dharka, dukumentiga, maacuunta iwm lagu rito. ld armaadyo.
armac A. ah: dhagxaanta nooca ugu adag, dhalaala, midabbo kala duwan leh oo aan burburin.
aroomaatig (kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo dhiskiisu ka koobanyahay giraamo bensiin ah.
aroor Waqtiga u dhexeeya marka waagu dillaaco ilaa marka qorraxdu soo baxdo. ld arooryo.
aroor1 1. ld aroorid. Doonashada nafley oommani ay meel biyo ka doonato. 2.(-rro mdh.) Dhudhub yar oo biyo dhulka ka jeexeen. 3. Sheexo. 4. A. ah: xoolo ooman oo biya doonad ah. aroor2 1. Nafley biyo doonasho. 2. Nafley meel sare ka soo degid. aroore (baay.) Dhuun dhiig oo dhiigga ku shubta wadnaha.
aroore-holac (daaw.) Halaamacoodka xididdada dhiigga ku cesha (aroore), sida badan waxaa lagu arkaa lugaha wuxuuna ku dhacaa aroore ballaartay oo laalaaban (varicose veins). Arooruhu xanuun badan ayuu yeelanaya waana adkaanaya maqaarka korkiisa ahna waa kululaanayaa waana casaanayaa. Xinjir xirikareysa xididdada ayaa inta badan sameysmata.
aroore-qaade (daaw.)Aroore kasta oo dhiig ka soo qaada tintaafyo dhiig oo wada shaqeeya oo toos ugu soo gudbiya tintaafyo kale oo wada shaqeeya una yaalla qayb kale oo jidhka ka mid ah, isaga oo aan ku celinayn wadnaha.
aroorhoraad ld arooryohoraad.
aroori 1. Xoolo oomman meel biyo leh u kaxayn. 2. Hoos u dhigid. 3. Qof hurda riyo wax ku tusid; qof seexin. 4. Wax wax kale ku libdhin.
aroorid eeg aroor². ld aroor¹ (1).
aroorin eeg aroori. ld arooris.
arooris ld aroorin.
aroornimo Waqti aroor ah.
aroorsan Wax, meel aad ugu libdhay ahaansho.
aroorsanaan eeg aroorsan. ld aroorsanaansho.
aroorsanaansho ld aroorsanaan.
arooryo ld aroo(ø)r.
arooryohoraad Marka oogga waaberi dilaaco. ld aroorhoraad.
aroos1 1. ld aroosid. Ciyaaro iyo damaashaad loo sameeyo laba qof oo isguursaday. 2. Toddabada beri ee ugu horreysa aqal-galka. 3. A. ah: qof ku jira toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkiisa.
page : 58 of 75
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 > >>