Ereyga Maanta: gur
arrumo  Neef geel ah oo taagan fariisisasho.
arrun1  Fariisisinta neef geel ah oo taagan la fariisiyo. ld arrumid. arrun2  Neef geel ah oo taagan fariisin. arrunnaan  ld arrumnaan.
arrunnansho  ld arrumnaan.
arruug  Ubad labaraafle oo lix bilood jira.
arruugnimo  Arruug ahaansho.
arsaaq1  ld irsaaq¹. arsaaq2  ld irsaaq². arsaaqad  ld irsaaqad.
artaraboodha  (baay.) Faylam ka tirsan xayawaanka laf dhabarla'da oo ka kooban in ka badan hal milyan oo sinji. Waa faylamka ugu ballaadhan ee boqortooyada xayawaanka. Artaraboodhuhu waxay ku noolyihiin biyaha macaan, badaha iyo dhulalka kala duwan. Astaan ahaan artaraboodhuhu waxay leeyihiin dub sare oo loo yaqaanno toxob, kaas oo dabool adag u ah qalfoof duleedka. Koritaankooduna waxa uu suurtaggal yahay oo keliya xilliga xuub siibashada.
aruundi  Geed nagaar leh qodax, caleen yaryar iyo miro casuura ah oo anqaasta laga samaysto.
aruur1  Caano a. ah: caano yar oo dhigaal ah oo hadba in lagu daro si ay u bataan. aruur2  1. Wax kala firirsan meel isugu tegid. ld urur³, uruur. aruuri  1. Wax kala firirsan meel isugu geyn. 2. Ku a.: wax, wax kale ee ugu geli karo ku libdhin. ld ururi, uruuri.
aruurid  eeg aruur. ld ururid, uruurid.
aruurin1  eeg aruuri. ld aruuris, ururi, uruuri. aruurin2  Maanso, shekooyin dhaqan, taariikh nololeed iwm oo dad kala duwan laga soo xigtay oo meel ku wada qoran. aruuris  ld aruurin.
aruursan  1. Wax kala firirsanaa oo meel isugu yimid ahaansho. 2. Ku a.: wax, wax kale ee uu geli karo ku libirsan ahaansho. ld urursan.
aruursanaan  eeg aruursan. ld aruursanaansho, urursanaan, urursanaansho, uruursa.
aruursanaansho  ld aruursanaan.
aruursasho  eeg aruurso. ld urursasho, uruursasho.
aruurso  1. Wax kala firisan meel isugu geysasho. 2. Wax meel yaal wada qaadasho. ld ururso, uruurso.
arwaax1  Farax. arwaax2  Ruux. arwaax3  Farax dareemid. arwaaxi  Cid ka farxin.
arwaaxid  eeg arwaax³.
arwaaxin  eeg arwaaxi.
page : 61 of 75
<< < 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 > >>