su' 1. Erey lagu yiraahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay; qayso. 2. Erey lagu yiraahdo awrka la da-brayo.
su'aal1 Hadal cid loo jeediyo si jawaab qusaysa wayddiinta looga helo. su'aal² lg1 (-aalay, -aashay) Si jawaab looga helo cid weyddiin u jeedin. su'aalid eeg su'aal².
subaac Dugaagga xoolaha cuna.
subac 1. Hab dad wada jiraa quraanka u akhriyaan, iyadoo midba mar aayad qaadanaayo. 2. Quraanka oo todoba meelood loo qaybiyey meeshiis.
subag1 1. Burcad la shiilay caaneeyada laga saaray miidda ka soo harta. 2. Baruurta la shiilo miidda ka soo baxda oo aan fariisan. subag2 Wax subag marin. subagle Geed dheer oo aan qodax lahayn oo leh dhacaan subag la moodo.
subagmadoobe 1. Wan weyn oo shan sano iyo ka badan gaaray. 2. Subagga laga shiilo wan weyn oo aan fariisan.
subax Qaybta ugu horreysa maalinta gelinkeeda hore.
subbeehi Askari aan derejo lahayn; dable.
subboosto Dawo saxar-mareenka laga qaato.
subci Subac akhrin.
subcin eeg subci. ld subcis.
subcis ld subcin.
subeeci ld subeeciyad.
subeeciyad Maro xariir ah, midabyo badan leh oo faraqyo iyo xiddo loo yeelo. ld subeeci.
subeen ld sabeen.
subeenxir1 ld sabeenxir¹. subeenxir2 ld sabeenxir². subeenxirid ld sabeenxirid.
subkad ld subkasho.
subkan Wax subag marsan yahay ahaansho.
subkanaan eeg subkan. ld subkanaansho.
subkanaansho ld subkanaan.
subkasho eeg subko. ld subkad.
subkid eeg subag².
subko Subag mar-sasho.
subuqsubuq Socsocod badan oo aan ujeeddo lahayn.
subxaan Magacyada Alle mid ka mid ah.
page : 105 of 118
<< < 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 > >>