jaynaf2 Jir dad qabow awgiis qolof yeelasho. jaynafid eeg jaynaf².
jaynafnimo Jaynaf ahaansho.
jaynafsan Wax jaynaf ku dhacay ahaansho (dibno).
jaynafsanaan eeg jaynafsan. ld jaynafsanaansho.
jaynafsanaansho ld jaynafsanaan.
jaynnimo Jay ahaansho.
jebi 1. Wax is haystay xoog u kala qaybin. 2. Wax taagnaa dumin. 3. Xoolo iwm oo tiradoodu badantahay yarayn. 4. Xoolo iwm kala qaybin. 5. Sharci ku xad gudbid. 6. Col iwm baabi'in. 7. Ka j.: soon, salaad iwm cid ka burin. 8. Ka j.: shax, jar iwm cid dhawr jeer badisay ka badin. 9. Sicir yarayn (ganacsi). ld jabi.
jebid ld jabid.
jebin eeg jebi. ld jabin, jabis, jebis.
jebis1 1. In is haysata oo kol meel ka jabta ama ka go'da. 2. (-syo, m.dh) Ood weyn oo is haysata oo kol la gooyo; tis. 3. Rarada iwm meesha afka ah ee laga laabo. 4. J. ah: waddo weyn oo aan la falin ee maritaan keliya ku samaysantay. 5. Laba dawlis oo laysku soohay. 6. J. ah: ceel markaas la qoday. 7. ld jebin. jebis2 ld jebiso. jebiso Halaq weyn, u eg abeesada oo waxa ay ugaarsanayso isku duubta kaddibna burburisa. ld jebis².
jebsiino Xannuun haweenka qabta marka ay foolanayaan; jajab.
jebsin (daaw.) Xubin ka mid ah laf dhabarta oo dhawr ricirood leh. ld jibsin².
jecayl ld jacayl.
jecel Wax, wax aad u raba ahaansho.
jeclaan eeg jecel. ld jeclaansho.
jeclaansho ld jeclaan.
jeclaysad ld jeclaysasho.
jeclaysasho eeg jeclayso. ld jeclay-sad, jeclaysi.
jeclaysi ld jeclaysasho.
jecleysii 1. Wax rabitaan-kooda cid ku abuurid. 2. Is j.: wax rabitaan-kooda is xijin.
jecleysiin eeg jecleysii. ld jecleysiis.
jecleysiis ld jecleysiin.
jecleyso Wax aad u rabid.
jed ld jarmo.
jeeb1 Meel wax lagu rito oo dharka la gashado ku tolan. jeeb2 1. Wax si tartiib ah u goyn. 2. Ka j.: wax, wax kale iyadoo inta dheeriga ah laga jarayo la ekeysiin. 3. Ka j.: cid dembi ay gashay ka gudid. jeeb-isgudub (xis.) Marka shaxan adke ah loo jaro sallax ahaan ama shaxan sallax ah ee ka soo baxa jariddaas oo kale. Tusaale ahaan, j.i.ka mara dhex-bartanka kubbad waa goobo.
page : 22 of 53
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>