Ereyga Maanta: qaqaan
jeeban  1. Wax qiyaas lagu gooyey ahaansho. 2. Ku j.: wax, wax kale lala ekeysiiyey ahaansho.
jeebid  eeg jeeb².
jeebis-dherer  (baay.) Nooc ka mid ah sida ay u habaysanyihiin qaybaha iyo organnada xayawaanku kaas oo jidhka loo qaybin karo laba badh oo ah hummaagyo muraayadeed oo mid waliba sallax goonniya saaranyahay. Xayawaan-nada jeebis dherer waxay leeyihiin hab dhaqdhaqaaq oo u goonniya, kaas oo had iyo jeer hal dhinac jidhka u hoggaamiya.
jeeble  1. Ganacsade yar oo badeecada la wareega. 2. Qof sigaarka ku gada bannaanka.
jeebnaan  eeg jeeban. ld jeebnaansho.
jeebnaansho  ld jeebnaan.
jeed  1. Sii j.: cid dhabarka xijin. 2. Soo j.: habeen hurdo ka tegid (cid). 3. U j.: muuqaal il ku hayn. 4. U j.: meel aadid. 5. Ula j.: fal ama hadal ujeeddo gaar ah ka lahaan.
jeedaali  1. Wax meel fog ka eegid. 2. Dibi sac wadaalin.
jeedaalin  eeg jeedaali.
jeedaalo  Fiirinta wax meel dheer laga eego.
jeedal1  Suun adag oo dabo la qabsado leh oo fardaha iwm lala dhaco si ay orodka u badiyaan; nadi. ld jeydal. jeedal2  (baay.) Shaabuug qaab dherer yar leh ilaa 150 maykaroon/m. oo laga helo oogaada unugyada qaarkood, gaar ahan unugyada taranka ee socda. Tusaale ahaan isbeermatosowa, bakteeriya iyo qaar ka mid ah borotosowa. jeedal3  Jeedal wax la dhicid. jeedalid  eeg jeedal². ld jeedlid.
jeedalley  (baay.) Dir ka tirsan faylamka borotosoowa, xubnahoodu waxay leeyihiin jeedal loo adeegsado socodka.
jeedi  1. Wax foolkoodu jiho gaar ah ku aaddanaa meel kale u duwid. 2. Cid hawl ay fulin lahayd ka hoosaasin. 3. Hadal, khudbad, iwm meel fagaare ah ka sheegid.
jeedid  eeg jeed.
jeedin  eeg jeedi.
jeedlid  ld jeedalid.
jeedsad  ld jeedsasho.
jeedsasho  eeg jeedso. ld jeedsad.
jeedshe  (xis.) Xarriiq toosan oo la xiriirta toobineed. Fogaanta xarriiqdani ay u jirto bar kasta oo ku taalla toobineed oo loo qaybiyey fogaanta ay barmaguuraan ah u jirto bar taasi waa saami madoorsoome ah.
jeedsii  U j.: cid dusha wax ka tusid.
jeedsiin  eeg jeedsii.
jeedso  Ra'yi soo bandhigasho.
jeedwa  Neefka birta la baxsada ee habeen ama maalin kaddib la arko isagoo dhintay, dabadeed la qasho oo la cuno.
jeefaaf  Naxariis cid loo galo.
jeefaar  Dhalfo; kabar; janfar; gonfar.
jeefad  ld jeefag.
jeefag  Nooc ka mid ah orodka fardhaha. ld jeefad.
page : 23 of 53
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>