Ereyga Maanta: gur
jiifaa  Dugaagga yaryar nooc ka mid ah, dhurwaaga ka yar oo ariga laaya; guduudane.
jiifi  1. Cid meel seexin. 2. Shay dhinac meel u dhigid.
jiifid  eeg jiif². ld jiif¹ (3).
jiifin  eeg jiifi.
jiifsad  ld jiifsasho.
jiifsasho  eeg jiifso. ld jiifsad.
jiifso  1. (f.g) Shay taagnaa dhinac u dhigasho. 2. (f.mg) Hurdo seexasho.
jiifto  Nooc maansada ka mid ah oo badanaa lagu tiriyo qasaa'idka diinta, gabayadana ka miro yar.
jiijiile  1. Balag digir marka uu ka tago halcasaadka oo uusan gaarin jalawga. 2. Ilmaha shimbiraha ee aan weli duulimaad gaarin.
jiil1  1. Qolof bushimaha kor fuusha marka oon ama xanuun ku yimaado. 2. (-lal, m.l) Qoryo fiiqfiiqan, si farsamo ah loo habeeyey oo nirgaha afka looga xiro. 3. Dalab. 4. (-lal, m.l) Fac. jiil2  Nirgo qoryo fiiqfiiqan oo si farsamo ah loo habeeyey si aysan wax u nuugin gafuurka uga xirid. jiilaal1  1. Afarta xilli mid ka mid ah, oo u dhexeeya dayrta iyo gu'ga; diraac. 2. Xilli kastoo aan roob iyo barwaaqo lahayn (siiba diraacda iyo xagaaga). jiilaal2  (c.fal.) Loolalka dhexe, waa xilliga ku xiga dayrta, cilmiga gibilka wuxuu ku dhammaadaa kubbad-badhka waqooyi min hornaqa jiilaalka (ilaa 22 disembar) ilaa caanomaallada isle'eg ee gu'ga (ilaa 21 maarso). jiilaashad  eeg jiilaasho.
jiilaashi  ld jiilaashin.
jiilaashin  Dabayl dhacda waqtiga jiilaalka ah. ld jiilaashi.
jiilaasho  Waqti jiilaal ah gelid.
jiilid  eeg jiil².
jiin  1. Ag; coon; qar; af. 2. (-iiman, m.l) Webiga hareerihiisa.
jiin1  Xarafka “ja'“ magaciis carbeed. jiinbaar  Sariir yar oo maqaar lo'aad iyo qoryo ka samaysan.
jiingad  Bir qiro yar oo guryaha dusha laga saaro; tarniig.
jiiq  (jiiq, m.dh) (bot.) Geed ka mid ah dhirta dhaadheer ee qodaxda leh oo ka baxa webiga agagaarkiisa oo gumarka u eg.
jiiqjiiqle  1. Geedgaab qodax leh oo jeerinka la bah ah oo leh xabag iyo miro la cuno, iyo mayrax xargo laga samaysto. 2. Cayayaan jirriqaaqa u eg.
jiiqo  1. Wax sinnaa meesha ay dhumucdiisu ka yaraato. 2. Dhabar god-naanta dadka iyo xooluhu yeeshaan. 3. Wasaq ama qashin aan kala soocnayn.
jiiqsad  ld jiiqsasho.
jiiqsasho  eeg jiiqso. ld jiiqsad, jiiqsi.
jiiqsi  ld jiiqsasho.
jiiqso  1. Xoog u sheegasho. 2. Qof meel wax kula dhuumasho.
jiir  1. Hilibka intiisa aan baruurta lahayn. 2. (-rar, m.l) Naasley yar, dabo dhuuban iyo lugo yaryar leh, miro cun ah oo badanaa ku nool meelaha qashinka leh; doolli. 3. Midab madow ama guduud ah oo baro cad-cadi ku dhafan-yihiin.
page : 33 of 53
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>