Ereyga Maanta: waddoohiye
cawl2  1. Ugaarta waaweyn jaad ka mid ah, leh midab casaan xigeen ah, geesa dhaadheer iyo daba gaaban oo bogga ka cad; cawlo. 2. Cawl dhaddig ah. cawlan  Wax midab cawl ah leh ahaansho. ld cawllan.
cawlawareershe  ld cawlwareershe.
cawlikudhal  ld cawlikudhashay.
cawlikudhashay  1. Xilli bartamaha guga ah oo roob badan da'o. 2. Roob badan oo xilliga gu'ga bartamihiisa da'a. ld cawlikudhal.
cawllan  ld cawlan.
cawllanaan  ld cawlnaan.
cawllanaansho  ld cawlnaan.
cawlnaan  eeg cawlan. ld cawllanaan, cawllanaansho, cawlnaansho.
cawlnaansho  ld cawlnaan.
cawlo  ld cawl². (1)
cawlwareershe  1. Geednagaar leh miro kuuskuusan, caleemo yaryar iyo laamo jiljilicsan, oo nafleyda daaqda ay ku wareerto. 2. Miraha caduurka inta aanay bislaan. ld cawlawareershe.
cawo  1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan.
cawralegdid  eeg cawraleged².
cawraleged1  Wax yar oo la siiyo ruux ishiisa laga baqayo. cawraleged2  Qof ishiisa laga baqayo wax yar siin. cawratir1  1. ld cawritir¹. 2. Dhar yar oo cawrada deda. cawratir2  1. ld cawritir². 2. Dhar cawrada lagu dedo cid siin. cawratirid  eeg cawratir². ld cawritirid.
cawratiryo  ld cawritir¹.
cawrayn  eeg cawree.
cawraysan  1. Wax masiibo ku dhacay ama la ileystay ahaansho. 2. Wax ceebaysan ahaansho.
cawraysnaan  eeg cawraysan. ld cawraysnaansho.
cawraysnaansho  ld cawraysnaan.
cawree  1. Cid ileyn. 2. Cid ceebeyn.
cawri1  1. Xin, kuuni. 2. Il, dhabato, illaaco, cawro. cawri2  Hanti cid leedahay kuunyid. cawritir1  1. Wax la siiyo qof ishiisa laga baqaayo. 2. ld cawritirid. ld cawratir¹ (1), cawratiryo, cawritiryo. cawritir2  Wax in isha looga hortago u bixin. ld cawratir² (1). cawritirid  eeg cawritir². ld cawratirid, cawritir¹ (2).
page : 57 of 95
<< < 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 > >>