Ereyga Maanta: gur
asaaysaar1  Afo ninkeedii dhintay oo asaay loo saaro. asaaysaar2  Afo ninkeedu dhintay asaay u saarid. asaaysaarid  eeg asaaysaar².
asaddah1  1. Wax kala-garanwaa uu kibir keeno. 2. ld asaddihid. asaddah2  Kibir awgii wax la kala-garanwaayid. asaddihi  Cid asaddah ku ridid.
asaddihid  eeg asaddah². ld asaddah¹ (2).
asaddihin  eeg asaddihi.
asal1  1. Halka ay wax ka soo unkamaan; isir. 2. ld asali. asal2  Qolofta ama xididdada dhirta qaarkood oo dhacaankeeda wax lagu magdeeyo ama lagu xooleeyo. asal3  Wax midab u yeelid. asali  Wax, wixii hore ka jooga oo aan la dhalan rogin. ld asiili (1), asli (1).
asalmadoorshe  (xis.) Kutirsane urur oo marka lagu xiro ku tirsane kale ee kasta ee ku jira ururka aan isbeddelin. Asalmadoorshaha waxa uu ku xiranyahay kutirsaneyaasha ururka iyo xisaabfalka la adeegsado. Tusaale ahaan, eber waa asalmadoorshaha isugeynta: 0+3=3+0. Hal waa asalmadoorshaha iskudhufashada: 1x3=3x1.
asaraar1  1. Muran wax jira lagu diidayo. 2. ld araarid. asaraar2  Muran runta lagu diidayo samayn. asaraarid  eeg asaraar². ld asaraar¹.
asaraartamid  eeg asaraartan². ld asaraartan¹ (2).
asaraartan1  1. Asaraar dhexmara laba qof ama ka badan. 2. ld asaartamid. asaraartan2  La a.: cid, cid kale oo muran wadda asaraar kala hortagid. asaruur1  ld asaruurid. asaruur2  Ceel, god iwm ciid ku xabaalid; aasid; duugid. asaruuran1  Ceel, god iwm wax la xabaalmid. asaruuran2  Ceel, god iwm wax la xabaalay ahaansho. asaruurid  eeg asaruur². ld asaruur¹.
asaruurmid  eeg asaruuran¹.
asaruurnaan  eeg asaruuran². ld asaruurnaansho.
asaruurnaansho  ld asaruurnaan.
asaw  (baay.) Dhammaan dhaqdhaqaaqyada muuqan kara ee ay sameeyaan xayawaanku iyaga oo u jawaabayo degaankooda gudaha iyo dibadda.
asay  ld asaay.
asbaab  eeg sabab¹.
page : 63 of 75
<< < 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 > >>