jalafsad ld jalafsasho.
jalafsasho eeg jalafso. ld jalafsad, jalafsi.
jalafsi ld jalafsasho.
jalafso Aayar socosho.
jalammad Weel macdan, dhoob iwm ka samaysan oo dheg (siddo) iyo naas leh oo shaaha iyo qaxwaha lagu karsado.
jalanqo Jir qurux iyo jiljileec isku darsaday.
jalaq 1. In yar oo biyo ama caano ah oo weel guntiis ku haray. 2. Koor yar oo laba carrab leh oo geela lagu xiro. 3. Dheg u j. sii: hadal raacid.
jalaqle Socod dhibaato leh oo lagu kala haro.
jalaqley Calaacasha iyo dhudhunku meesha ay iska galaan.
jalaqsan Qof xubno dabacsan oo qurxoon ahaansho.
jalaqsanaan eeg jalaqsan. ld jalaqsanaansho.
jalaqsanaansho ld jalaqsanaan.
jalasho eeg jalo.
jalaw1 Miraha digirta, yicibta iwm oo geedka ku qallalay. jalaw2 Miro digir, loos iwm qallalid. jalawsan Miro digir, loos iwm wax qallalay ahaansho.
jalawsanaan eeg jalawsan. ld jalawsanaansho.
jalawsanaansho ld jalawsanaan.
jalayn ld jalaysiin.
jalaysii Cid jala'ka yeersiin. ld jalee.
jalaysiin eeg jalaysii. ld jalayn, jalaysiis.
jalaysiis ld jalaysiin.
jalbaysan ld jidbaysan.
jalbaysnaan ld jidbaysnaan.
jalbaysnaansho ld jidbaysnaan.
jalbeeb1 Hoosgalbeed. jalbeeb2 Sheeko iyo kaftan aan turxaan lahayn; kaftan; haasaawe. jalbeebad ld jalbeebsasho.
jalbeebasho eeg jalbeebo. ld jalbeebad, jalbeebsad, jaalbeebsasho, jalbeebsi.
jalbeebi Goor galab ah cid haasaawin.
page : 11 of 53
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>