lacnadeysnaansho ld nacaladeysnaan.
lacnadid ld nacaladid.
lad 1. Isku l.: wax xil iska saari waayid. 2. Ku l.: wax ku raaxaysasho. ld led.
ladaab1 Legga xoolaha. ladaab2 1. Waraabinta xoolaha maalin walba la waraabiyo. 2. L. ah: xoolo maalin walba biyo cabba. ladaabad ld ladaabasho.
ladaabasho eeg ladaabo. ld ladaabad.
ladaabi Xoolo maalin walba waraabin.
ladaabin eeg ladaabi. ld ladaabis.
ladaabis ld ladaabin.
ladaabo Xoolo maalin walba biyo cabbid.
ladaadyo Laqanyo.
ladaadyoo Laqanyo dareemid.
ladaadyood eeg ladaadyoo.
ladan 1. Wax caafimaad qaba ahaansho. 2. Wax barwaaqaysan ahaansho.
ladhac Ka helid.
ladhicid eeg ladhac.
ladid eeg lad. ld ledid.
ladnaan eeg ladan. ld ladnaansho.
ladnaansho ld ladnaan.
ladnayn eeg ladnee.
ladnaysii 1. Wax fayow ka dhigid. 2. Wax barwaaqaysan ka dhigid.
ladnaysiin eeg ladnaysii.
ladnee 1. Eebbe, cid wax ladan ka dhigid. 2. Eebbe, cid maal badan siin.
ladqabayn eeg ladqabee. ld ladabays.
ladqabays ld ladqabayn.
ladqabee 1. (f.g) Qof caraysan maslixid. 2. (f.mg) Kala l.: laba qof ama ka badan oo dagaashan maslaxo dhex dhigid.
ladqabo 1. Dhexdhexaadin iyo maslaxo laga dhex dhaliyo dad dagaashan. 2. ld laqdabo.
laf 1. Mid ka mid ah qalfoofta nafleyda. 2. Bur yar. 3. Qolo; jilib. 4. Qaybta adag ee ku dhex jirta miraha. 5. L.tayda (-taada, -tiisa iwm): eray sii adkaynaya qofka laga hadlay oo sheegaya in qofku qofkaas yahay ee aan cid kale la sheegayn; qofka naftiisa.
laf-arax (c.nafl.) Qayb godan oo qaab saddex gees leh ee lafdhabarta waxayna ka koobantahay shan (5) lafood oo iskudhafan. Waxay kaga dhaggantahay laf-xariirta ugu hooseysa qaybta moxogga ee lafdhabarta, hoos waxa ka ah lafta dabagibinta dhinacyadana lafaha miskaha ayaa ka xiga.
page : 16 of 46
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>