calaf1 1. Dheef xag Ilaah ka qoran; risiq. 2. Nasiib. calaf2 Kab duug ah. calaf3 1. U c.: Ilaah, cid wax risiq ugu dhigid. 2. U c.: Ilaah, cid wax nasiib ahaan u siin. calafsad ld calafsasho.
calafsasho eeg calafso. ld calafsad, calafsi, calfad, calfasho.
calafsi ld calafsasho.
calafso Wax calaf ka dhigasho. ld calfo.
calako Haweeney aad nacas u ah.
calakonnimo Calako ahaansho.
calakud Nooc deerada ka mid ah oo buuraha ku nool.
calal 1. Maro aad duug u ah. 2. Cad maro ah.
calalayn eeg calalee.
calalee Maro, calal ka dhigid.
calali Cunto, meyrax iwm gowsaha ku jilcin.
calalin eeg calali. ld calalis (2).
calalis 1. Cuntada inteeda la calashado. 2. ld calalin.
calaloobid eeg calalow.
calalow Calal noqosho.
calalsad ld calalsasho.
calalsasho eeg calalso. ld calalsad, calalsi, calashad, calashi.
calalsi ld calalsasho.
calalso Cunto gowsaha ku burburin. ld calasho.
calan1 1. Cad maro ah oo dowlad, hay'ad, maamul iwm astaan u ah. 2. Midab madow oo ay iduhu qaarka hore ku yeeshaan. calan2 Barwaaqo, caafimaad iwm oo ka muuqda xoolaha jirkooda. calandejin Calan dejinta.
calanhaye Ciyaarta kubbadda cagta labada qof ee garsooraha caawiya midkood. ld calanwale.
calannaqsad ld calannaqsasho.
calannaqsasho eeg calannaqso. ld calannaqsad, calannaqsi, calyannaqsasho, calyannaq
calannaqsi Soo celinta iyo calalinta ay xooluhu ku sameeyaan cuntada calooshooda ku jirta. ld calannaqsasho.
calannaqso Calannaqsi sameyn. ld calyannaqso.
page : 25 of 95
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>