Ereyga Maanta: caynaano
xayr  1. Baruur ka baxda meelo gaar ah oo jirka nafleyda ka mid ah. 2. Xuub baruuri saaran tahay oo ku daboolan uurkujirta. 3. Jifi.
xayraamid  eeg xayraan².
xayraan1  Xanaagid. xayraan2   Ku x.: cid aad ugu xanaaqid. xayrarriyaad  Caad qiro yar oo marka roobku da'o badanaa cirka isku geyfa.
xayraxade  Amuur weyn oo midabyo leh.
xayroobid  eeg xayrow.
xayrow   Xayr jeelasho.
xays  1. Roob jiilaalka ka da'a xeebaha bari. 2. Xilli roob ka da'o xeebaha bari.
xaysin  Goobta ku da'a roobka xays.
xayuubi   1. Ka x.: wax qof dusha ka saarnaa xoog uga qaadid. 2. Ka x.: xil, derejo iwm qof ka qaadid.
xayuubin  eeg xayuubi.
xayuubsasho  eeg xayuubso. ld xayuub-si.
xayuubsi  ld xayuubsasho.
xayuubso   Ka x.: wax qof korka ka saarnaa xoog uga qaadasho.
xeeb1   Daliig dhul ah oo cammuud iyo sabbaax leh oo bad dhinaca ku haysa. xeeb2   (juqr.) Dhulka deriska la ah badda ama biyo kale oo weyn kuwaas oo mawjadahoodu ay si toos ah u saameeyaan. xeeb yar  (xeebo yaryar, m.l) (jool.) Liidka dhulka xeebta ah ee la jeeda badaha ama harooyinka; badanaa waxaa la yirahdaa waa dhulka u dhexeeya xarriiqa u hooseeya mawjadda badda iyo ka u sarreeya ee ay soo gaari karaan mawjadaha baddu.
xeebad  ld xeebasho.
xeebasho  eeg xeebo. ld xeebad.
xeebo   1. U x.: wax u turid. 2. U x.: wax u xilasho.
xeegaan  Xiriir is-tixgelin iyo qaddarin leh oo cid ka dhexeeya.
xeego  1. Jaadadka cawda mid ka mid ah mirihiisa. 2. Kabro.
xeel  Tab iyo maaro wax lagu xalliyo. ld xeelad, xeelo, xiilo.
xeelad  ld xeel.
xeeladayn  ld xeelayn.
xeeladee   ld xeelee.
xeelayn  eeg xeelee. ld xeeladayn.
xeeldheer   Ku x.: cid aqoon dheeraad ah wax u leh ahaansho.
xeeldheeraan  eeg xeeldheer. ld xeel-dheeraansho, xeeldheeri.
page : 33 of 60
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>