Ereyga Maanta: qawadid
balacsanaan  eeg balacsan. ld balacsanaansho.
balacsanaansho  ld balacsanaan.
balacsasho  eeg balacso. ld balacsad, balacsi.
balacsi  ld balacsasho.
balacso  Daymoo; dhugo; milicso; ilkuxad.
balaf  War aan la hubin oo cidda sheegtay aan la aqoon.
balaf1  Neef xoolo ah oo biyo diido; biyodiid. balaf2  ld balfi. balafbalafsii  Faruuryaha ka b.: biyodiid awgiisa faruuryaha la ruxid.
balafbalafsiin  eeg balafbalafsii.
balag1  1. Sixir meel la dhigo si qof meel dheer jiraa uu u yimaado barta sixirku yaallo. 2. Miraha yicibta, lebiga iwm oo curdan ah. balag2  Buuryo; beejo. balalo  1. Bacaroor. 2. Cudur xoolaha ku dhaca markay daaqaan geedka balalada. 3. Xoolo ceel la keenay oo yeel la'aan awgeed baryo lagu waraabshey.
balaloo  Ku b.: yalaalugo dareemid.
balalood  eeg balaloo.
balambaallis  Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; baalleybaro.
balambal1  1. (balambal, m.dh) Geed gaab dhirta daawada leh ka mid ah oo leh caleemo balballaaran, miro yaryar oo kuuskuusan iyo laamo jilicsan oo jabi og; geed-jinni. 2. ld balaambalid. balambal2  ld balaambal². balambalid  ld balaambalid.
balambam  (kiim.) Summad: Pb. Curiye cufan oo bir jilicsan ah, midabkiisuna yahay boor furan. Waa curiyaha shanaad ee ururka IV ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa uu ku jiraa macdan kala duwan, hasayeeshee, waxyar ayaa dhaqaale ahaan waxtar leh. Kuwa ugu muhumsani wa a galiina (Pbs), angalisayt (Pbso), litaraj (Pbo), iyo siirusayt (PbCO ).
balanbalo  ld balbalo.
balanqo  Goodir dheddig.
balaq1  1. Cad yar oo hilib ah oo aan waxtar lahayn. 2. Cad hilib ah oo meel ka lusha. 3. Afka b. ha igu siin: ha ila hadlin. balaq2  Balaq noqosho (qof). balaqid  eeg balaq².
balaqoobid  eeg balaqow.
balaqow  Wax balaq ah noqosho (hilib).
balaqsad  ld balaqsasho.
balaqsan  Wax balaq ah ahaansho.
balaqsanaan  eeg balaqsan. ld balaqsanaansho.
page : 23 of 108
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>