Ereyga Maanta: shirbin
bahardaadin  eeg bahardaadi.
bahaysad  ld bahaysasho.
bahaysasho  eeg bahayso. ld bahaysad, bahaysi.
bahaysi  ld bahaysasho.
bahayso  1. Cid qaraabeysasho. 2. Cid gaashaanbuuro la yeelasho.
bahgaatama  Dugaagga intooda gaadmada wax ku dila oo ay ka mid yihiin libaaxa, shabeelka, haramcaska iyo guduudanaha.
bahgulufto  Dugaagga intiisa aan gaatamin oo orodka wax ku dila.
bahnimo  Bah ahaansho.
baho  (c.fal.) Uruur xiddigaha ka mid ah oo u dhexeeya Xoorka iyo Faruuryaha. ld bah.
bahoobid  eeg bahow². ld bahow¹.
bahow1  ld bahoobid. bahow2  La b.: cid, gaashaanbuur la noqosho. bahwadaag  1. Walaalo isku hooyo ah aan isku aabbo ahayn. 2. Dad, ummad, iwm oo isgaashaanbuursi ka dhexeeyo.
baji  1. Cid cabsi gelin. 2. Wax sida ukun iwm. jebin. 3. Bujin.
baji1  ld boji. bajiino  ld bojiino.
bajin  eeg baji.
bajin1  ld bojin. bajis  1. Jid cusub oo dhowaan dhalad ah. 2. ld bajin².
bakaal  1. Cudur isha ku dhaca oo ay yeelato bar cad. 2. Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo dusaaga; xiddigta waaberi; waxaraxir. 3. Qof lixaad weyn.
bakaar  1. Godka badarka lagu kaydiyo. 2. Badar muddo god ku jirey. ld bukaar.
bakaaroobid  eeg bakaarow.
bakaarow  Badar, wax duug ah noqosho.
bakad  Dhul bannaan oo aan dhir la dugsado lahayn.
bakade  Nooc jaadadka cawska ka mid ah.
bakayle  Naasley yar, dhirxagatada ka mid ah, leh dhego dhaadheer, dhogor jilicsan oo badan iyo bushin kore oo faruuran, oo habeenkii mirato.
bake  Qare aan weli bislaan; bicir.
bakeeri  Weel dhalo ka samaysan oo sida badan shaah lagu cabbo oo aan dhego lahayn. ld bekeeri.
bakhaar  Maqaasiin.
bakhaarhaye  Qof bakhaar ka shaqeeya oo furihiisa haya.
page : 20 of 108
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>