Ereyga Maanta: bedertami
bagaf  1. Weel aan weyneyn, in yar godan oo aan wax badan qaadin. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af ballaaran oo badeelka u eg leh.
bagafsan  Wax bagaf ah ahaansho.
bagafsanaan  eeg bagafsan. ld bagafsanaansho.
bagafsanaansho  ld bagafsanaan.
bagagax  ld baf.
bagagi  B. ah: basari; baali, areebo.
bagal  Khudrad cagaar ah oo leh caleemo balballaaran iyo buruq dhuuban oo dheer oo la cuno. ld baqal¹ (2), begel.
bah  1. Naago nin qabo middood iyo carruurteeda. 2. Isku b. ah: carruur hooyo keli ahi wada dhashay. 3. Xiddigo dayaxu maro oo u dhexeeya xoor iyo faruuryo. ld baho.
bah-cadceed  (c.fal) Koox walax cireeddo ah oo ka kooban qorraxda, meereyaasha, oo ku dul meeraysta, meereyareyaasha (plannetoid or asteroid), seefta cirka, shuhuubaha, cirka-soo-dhacaha iyo dayax gacmeeddada ku meeraysta meerayaasha, sida dayuxu dhulka ugu meeraysto.
bahaa'in  ld bahaahin.
bahaahin  1. (u) Xoolo la dhaqdo. 2. Qof aan caqli badan lahayn. ld bahaa'in, bahaayin.
bahaayin  ld bahaahin.
bahal1  1. Nafleyda inta dadka iyo duunyada wax yeeleysa ama qaabkoodu cabsi geliya ee aan cayayaanka ahayn. 2. Wax. 3. B. ah: qof dilaa ah. bahal2  1. Wax dad dhiba. 2. Haweenwy naxriisdaran. bahaldile  1. Nin qolo ama col wada oo ugu horreeya xagga geesinnimada iyo dagaalka. 2. Nin beel madax u ah. ld bahaldileen.
bahaldileen  ld bahaldile.
bahalhiglo  (bahalahiglo, m.l) Bahal cagaardaaq ah oo koox koox u socda oo yeyda u eg aadse uga yar.
bahalhoosaad  Xamaaratada iyo cayayaanka intooda sunta leh ama qaabkooda laga cabsado ee habeenkii socda. ld bahalhoose.
bahalhoose  ld bahalhoosaad.
bahalnimo  Bahal ahaansho.
bahaloobid  eeg bahalow. ld bahalow¹.
bahalow1  ld bahaloobid. bahalow2  1. Bahal noqosho. 2. Waraaboobid. bahardaac1  Fadhi kala daadsanaan leh oo aan la rabin in dhaqso meel looga kaco. bahardaac2  Si kala daadsanaan leh muddo badan meel u fariisasho. bahardaaci  Is b.: si kala daadsanaan leh muddo badan meel u fariisasho.
bahardaacid  eeg bahardaac².
bahardaacin  eeg bahardaaci. ld bahardaacis.
bahardaacis  ld bahardaacin.
bahardaadi  1. Is b.: is ballaarin. 2. Is b.: is weyneysiin; isqaadqaadid.
page : 19 of 108
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>