Ereyga Maanta: miryaadis
dulfadhiyid  eeg dulfadhi. ld dulfadhin.
dulin  1. Cayayaanka yaryar ee xoolaha ku dul nool; qaniin; deriskunnoole.. 2. ld dulmi¹.
dulin-duleed  (c.nafl.) Noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool. Tus. “Injirta”.
dulin-gudeed  (c.nafl.) Noole dulin ah oo soorihiisa ku dhex nool. Tus. “Gooryaan mullaax”.
dulinnimo  (c.nafl.) Marka noole uu ku kor noolyahay (dulin dibadeed) ama uu ku dhex noolyahay (dulin gudeed) jidhkanoole kale, kaasi oo uu ka helo wuxuu nafaqo u baahanyahay ayaa loo yaqaan dulinnimo. Dulinnada qaarkood waxyeello badan ma gaadhsiiyan soorahooda, sababta oo ah addii ay dilaan soorahooda waxa dhammaanaya qudkooda, haseyeeshee badankoodu waxay sababaan cudur.
duljoog  1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Hawl iwm iska dul taagnaan iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Cid dhaqdhaqaaqeed ilaalin.
duljoogid  eeg duljoog.
dulkahoor1  Daruur qof korkiisa curatay oo da'day. dulkahoor2  Daruur qof dushiisa ku di'id. dulkahoorid  eeg dulkahoor².
dulkumalable  Ilmo geel oo dhicis ah oo iayada oo sidkeedii waxyar ka dhimman- yihiin soo dhashay.
dullaal1  ld dallaal¹. dullaal2  ld dallaal². dullaalid  ld dallaalid.
dullaalnimo  ld dallaalnimo.
dullaamid  ld dillaamid.
dullaamo  ld dillaamo.
dullaan1  ld dillaamid. dullaan2  ld dillaan². dullee  Qof dulli badid.
dulleyn  eeg dullee.
dulleysasho  eeg dulleyso. ld dulleysi.
dulleysi  ld dulleysasho.
dulleyso  Qof si xun oo bani'aadannimada ka baxsan oo uu raalli ka yahay ula dhaqmid.
dulli  1. Xaalad dacdarro, dacas, silic iyo sharaf dhacoo cid'ku sugnaato. 2. D. ah: qof liita oo aan wax xun ka xishoon.
dullinimo  Dulli ahaansho.
dulloobid  eeg dullow¹.
dullow1  ld dulloobid. dullow2  Dulli noqosho. dulmadow  Dawacada jaad ka mid ah oo dhabarka madow.
page : 203 of 218
<< < 198 199 200 201 202 203 204 205 206 207 208 > >>