Ereyga Maanta: hirqad
dulqan1  ld dalqan¹. dulqan2  ld dalqan². dulsaar1  1. Faa'iido laga helo lacag bangi la dhigtay. 2. Lacag dheeraad ah oo laga qaato lacag cid la amahiyey. 3. D. ah: qof ka shaqeeya hay'adda uu ka tirsanyahay mid aan ahayn. 4. D. ah: cid ciddii mas'uuliyaddu ka saarrayd aan ahayn la nool. 5. ld dulsaarid. dulsaar2  Ood weyn oo godaha laga keymamiyo. dulsaar3  1. (f.lg) Ood weyn oo oodafada ka kormarid. 2. (f.g) Lacag la amaahday faa'iido dheeraad ah ku kordhin. dulsaaran1  Lacag la amaahday faa'iido ku korortay noqosho. dulsaaran2  Ood weyn oo godaha laga keymamiyo ahaansho. dulsaarid  eeg dulsaar³. ld dulsaar¹ (5).
dulsaarmid  eeg dulsaaran¹.
dulsaarnaan  eeg dulsaaran². ld dulsarnaansho.
dulsaarnaansho  ld dulsaarnaan.
dulsaaro  Lacag la amaahday faa'iido dheeraad ah ku kordhisasho.
dulsabbayn  eeg dulsabbee.
dulsabbee  Heehaabid.
duluble  ld dulugle.
duluc1  1. Googgaradda haweenka xarigga kor uga jira oo lagu xiro marka la qaadanayo. 2. Googgaradda xaggeeda sare ee xarigga duluca ah la geliyo. duluc2  1. Nuxurka hadalka. 2. Ujeeddada hadalka. Tus. “Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo”. dulucsan  Googarad wax duluc la geliyay ahaansho.
dulucsanaan  eeg dulucsan. ld dulucsanaansho.
dulucsanaansho  ld dulucsanaan.
duluf  Derin, jawaan, raar, iwm oo duugoobay. ld duruf (1).
dulufaaq  Si dan la'aan ah hore iyo gadaal ugu socosho (qof).
dulufaaqid  eeg dulufaaq.
dulugle  D. ah: qof cayr ah aan hoy lahayn oo nolol-maalmeedkiisa socod ku raadsada.
duluglee  Qof cayr ah, aan hoy lahayn nolol-maalmeedkiisa socod ku raadin.
dulugleyn  eeg duluglee. ld dulugleys.
dulugleys  ld dulugleyn.
dululaati  ld dulalaati.
dululub  Meel hoobad ah oo biyuhu ayan ku hakan karin.
dulun1  ld dulmi¹.
page : 205 of 218
<< < 200 201 202 203 204 205 206 207 208 209 210 > >>