Ereyga Maanta: miryaadis
dunida saddexaad  Waaddamada Aasiya, Afrika, iyo Laatiin Ameerika ayaa laysku yiraahdaa waddamada d. s., waa waddamo aalaaba sabool ah.
dunji  Halka wax ka soo farcamaan.
dunmid  eeg duman¹.
dunnayn  eeg dunnee.
dunnee  Gacan duuban cid si xoog ah ugu dhufasho.
dunno  Ku dhufashada cid si xoog ah loogu dhufto gacan duuban.
dunqaare  1. Dalool yar oo weel caanoodka loo yeelo. 2. ld dunqaaro (1).
dunqaaree  Weel-caanood dalool yar u yeelid.
dunqaareyn  eeg dunqaaree.
dunqaaro  1. ld dunqaare. Caws dhaadheer oo dooxooyinka ka baxa. 2. Waxa Eebbe abuuray ee aan dadka ahayn.
dunsan  Wax la dumiyey ahaansho.
dunsanaan  eeg dunsan. ld dunsanaansho.
dunsanaansho  ld dunsanaan.
Dunugle  eeg qaxooti; dalow.
dunuunuc1  ld gunuunuc¹. dunuunuc2  ld gunuunuc². dunuunucid  ld gunuunucid.
dunyir  Doonidda gabar yar oo sebi ah iyadoo galaamad lagu riwamayo.
duq1  1. (-qow, m.dh) Qof da'weyn. 2. (-qey/qeyti, m.dh) Qof bulsho madax u ah. 3. D. ah: wax gaboobay. duq2  Biciid dheddig oo curad ah. duq3  1. Haweenay da'weyn. 2. Foorad, dhibic (cayaar). duqee  1. (f.g) Hub culus meel ku garaacid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.mg) Kharabid (matoor). 4. (f.mg) Ka d.: arrin oday ka noqosho.
duqey  eeg duq 1 (2).
duqeyn  eeg duqee.
duqeyti  eeg duq 1 (2).
duqlaal  1. Cid dulmiyid. 2. Wax juqa-juqayn.
duqlaalid  eeg duqlaal.
duqnimo  Duq ahaansho.
duqoobid  eeg duqow³. ld duqow¹.
duqow1  ld duqoobid.
page : 208 of 218
<< < 203 204 205 206 207 208 209 210 211 212 213 > >>