Ereyga Maanta: jaw
falaxgooddiyid  eeg falaxgooddi². ld faalaxgooddi¹, faalaxgooddin, faalax- gooddis.
fale1  Walax kimikeed oo isbeddel keena. fale2  (nax.) Yeelaha weerta. faleebbo  (daaw.) Hoore ka kooban, dawo, cusbo, fitimiinno, sonkor oo qof cunto qaadan waayey lagu mudo.
faleen  Dhirta dhasha beeyada.
falfal1  1. Hilib cad, ama cadad waaweyn oo biyo lagu kariyey. 2. Jid laangooyo lagu sameeyey. 3. Sixir. falfal2  Dhaqdhaqaaqa hore karkaraya. falfal3  1. (f.g) Cid sixir ku samayn. 2. (f.mg) Hoore wax karkaray noqosho. falfalid  eeg falfal³.
falfalliir1  1. Digir dubkii laga qaaday oo aad loo kariyey. 2. (m.u) Jeexjeexa qori qallalan yeesho. falfalliir2  Wax sida qori iwm falfalliir u yeelid. falfalliiran1  Wax falfalliir leh noqosho. falfalliiran2  Wax falfalliir leh ahaansho. falfalliirid  eeg falfalliir².
falfalliirmid  eeg falfalliiran¹.
falfalliirnaan  eeg falfalliiran². ld fal- falliirnaansho.
falfalliirnaansho  ld falfallirnaan.
falfalxumaan  eeg falfalxun. ld falfalxumaansho, falfalxumi, falfalxumo (2).
falfalxumi  ld falfalxumaan.
falfalxumo  1. Dhaqan xun oo dadku yeesho. 2. ld falfalxumaan.
falfalxun  Falid aan dhaqan wanaagsanayn ahaansho. ld falxun.
falgal taxan  (kiim.) Falgal iswada oo maxsuulka tallaabada hore uu curiyo tallaabada xigta.
falgal-geddismi-kara  (kiim.) Falgalka kiimikaad ee labada dhinacba u socon kara. Guud ahaan, falgaleyaasha iyo maxsuulladu waxa ay isku yihiin iskujir dheellitiran.
falgalkeene  (kiim.) Iskudhis la falgala mid kale (oo ah ka la danaynayo). Ereygan, f., waxa badanaaba lagu isticmaalaa kiimikallada shaybaarka ee caadiga ah sida: naatriyam haydarogsaydh, haydarokoloorig asiidh, iwm ee loo adeegsado tijaabada iyo saafidda.
falid  eeg fal². ld fal¹ (4), falniin.
falkaab  (nax.) Erey ku kordhiya faahfaahin micnaha falka, sida: “soo”, “sii”, “wada”, iwm.
falkaaliye  (nax.) Fal loo adeegsado in uu fal kale oo qaab masdar leh ka kaaliyo xagga habka, muuqaalka, amminka, qofka, tirada iwm; waxaa ka mid ah “jir”, “doon”, “leh”; waxaana loo adeegsadaa ammin iyo hab go'an. Tus. “Kubbad buu cayaari jiray”.
falkamid  eeg falkan¹.
falkan1  Wax la falkay noqosho (harrar, derin iwm). falkan2  Wax la falkay ahaansho (harrar, derin iwm). ld falagsan.
page : 16 of 73
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>