baaraan ld baarid².
baaraandeg1 1. (-gyo, m.dh) Dabbaaldeg. 2. ld baaraandegid. baaraandeg2 Ka b.: arrin, fikrad iwm aad u hubin. baaraandegid eeg baraandeg². ld baaraandeg¹ (2).
baarad ld baarasho.
baaranooya (daaw.) Jahawareer dhimireed lagu yaqaan isbeddel shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.
baarasho eeg baaro. ld baarad.
baarashuud Dallad weyn, maro ka samaysan oo diyaaradaha looga soo boodo.
baarax 1. Meel bannaan oo nabad lagu deggan yahay. 2. Ka baxsan, banka ka jooga.
baarbitureyt (daaw.) Mid kastoo ka mid ah koox dawooyin ah oo laga sameeyey barbituurig aasidh taaso hoos u dhigta shaqada maskaxda.
baare Qof baara arrin la xiriirta aqoon ama sir dad.
baarfuran Awr aan weligii la raran.
baari1 1. Culays, culaab. 2. ld baariyid. baari2 1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin. baarid1 B. ah: Wax aad u qabow. baarid2 eeg baar². ld baaraan, baaris³, baaritaan. Baariis Magaalada Baariis (Af-Ingiriis: Paris) waa Caasimada wadanka Faransiiska (France)
baarin1 ld baariyid. baarin2 Meesha gacatada laga qoto. baaris1 Neef irmaan oo candhadiisa ayan caano ka muuqan. baaris2 ld baariyid. baaris3 ld baarid². baaritaan 1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. ld baarid².
baariyam-salfeyt (kiim.) Adke cad oo ugu jira macdanta baraytyada si dabiici ah. B. s. kuma milanto biyaha.
baariyid eeg baari². ld baari¹ (2), baarin, baaris², baaryid.
baarlammaan ld barlammaan.
baaro 1. Xoolo naftu ka baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama baabbi'in. Tus. “Beertii dibi qooqan baa ku baartay”.
baaro1 Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin. baaro2 Wax qarsoon, raadin. baarqab Awrka geela loogu daro in uu rimiyo oo aan la rarine baarkiisa qaba.
page : 9 of 108
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>