qurxoonaan ld quruxsanaan.
qurxoonaansho ld quruxsanaan.
qurxub Xididdo iyo qanjirro yaryar oo candhada ku yaal oo caanaha dhala; kurxin.
quse Caleen la shiidey oo maydka lagu dhaqo.
qush 1. Dacar; qaras. 2. Uurxumo iyo ciilqab cid ku jirta.
qushaash1 1. Wasakh. 2. Qashqashaad. qushaash2 Cid qashqashid. qushaashid eeg qushaash².
qushayn eeg qushee.
qushaysan Wax wasakh u yeelid.
qushaysnaan eeg qushaysan. ld qushaysnaansho.
qushaysnaansho ld qushaysnaan.
qushee Wax wasakh u yeelid.
qushqush1 Calool xanuun ka dhasha cunto kala jaadjaad ah oo la cunay. qushqush2 Cunto kala jaadjaad ah calool xanuun ka qaadid. qushqushid eeg qushqush².
qushuuc1 ld khushuuc¹. qushuuc2 ld khushuuc². qushuucid ld kushuucid.
qushuucsan ld khushuucsan.
qushuucsanaan ld khushuucsanaan.
qushuucsanaansho ld khushuucsanaan.
qusley Nooc ka mid ah sagaarada oo ku nool dhulalka buuraleyda ah.
qusur Q. ah: ceel, war, durdur iwm oo hoos u dheer; mool.
qusuusi Lataliyayaal. ld khuususi.
qutool Koor hal carrab leh. ld qudkool.
quud1 1. Cunto; cunno ; dheef. 2. Nooc geed; shillin; kulan; kedi. quud2 Isku jirka cunnooyin ee dadku cuno. quudad ld quudasho.
quudasho eeg quudo. ld quudad.
page : 84 of 86
<< < 79 80 81 82 83 84 85 86 >