rummaan1 1. Geedgaab la beero oo caleemo balballaaran, ubax iyo miro macaan oo la cuno leh. 2. Miraha geedka rumaanka. 3. Qof xabsi ku jira oo xukun sugaya. 4. Nooc ka mid ah sariirihii hore oo alwaaxda qurxan oo la xardhay ka samaysan, oo leh rukummo kor u dhaa-dheer. rummaan2 Maro midabkeedu isugu jiro madow guduud iyo caddaan ama garbasaar ama guntiino ahaan loo istic-maalo. rummay Qori qoyan oo dhirta qaarkeed laga goosto oo ilkaha lagu sifaysto.
rummayan Wax rummay lagu nadiifiyey ahaansho (ilko).
rummayasho eeg rummayo.
rummaynaan eeg rummayan. ld rummaynaansho.
rummaynaansho ld rummaynaan.
rummayo Qof rummay ilkaha ku nadiifsasho. ld rum-mayso.
rummaysad ld rummaysasho.
rummaysan ld ru-maysan.
rummaysasho eeg rummayso. ld rummaysad, rummaysi.
rummaysi ld rummaysasho.
rummayso ld rum-mayo.
rumoobid ld rumow.
rumow Hadal run noqosho.
run Wax xaqiiqo ah oo la hubo.
run sugid Awood ka xoroobidda qof kale aad jeceshahay.
rundud1 ld hundhur¹. rundud2 ld hundud²; ld hundhur². rundudid eeg rundud². ld hundudid.
rundudsan Qof, wax runduda ahaansho.
rundudsanaan eeg rundudsan. ld rundudsanaansho.
rundudsanaansho ld rundudsanaan.
rundudsasho eeg rundudso.
rundudsi ld rundudsasho.
rundudso Ciil iyo murugo darteed gorodda la laallaadin.
rundusdad ld rundudsasho.
runley Naag had iyo jeer runta sheegta.
runlow Nin had iyo jeer runta sheega.
runnimo Run ahaansho.
page : 37 of 40
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 >