Ereyga Maanta: gur
caddo  1. Dayaxa labadiisa toddobaad ee hore. 2. Habayn dayax leh.
caddood  C. ah: meseggo cad.
caddow1  ld caddaad (1). caddow2  Wax cad noqosho. cadduun  Dhul ciiddiisu jilicsantahay, aan boor lahayn oo geedgaab ka baxa.
cadduuro  1. Geedgaab leh caleen iyo miro yaryar oo ka baxa meelaha biyo mareenka ahi. 2. Midab cagaar khaafiif ah leh.
cadee  Neef la qalayo hilibkiisa xubin xubin u goyn.
cadeyn  eeg cadee..
cadgo'1  Dhibaato hakisa dhaqdhaqaaqa; muruqgo'.. cadgo'2  Muruqyada, dhibaato xanuun leh oo hakisa dhadhaqaaqa ku dhicid; muruqgo'.. cadgo'id  eeg cadgo'².
cadgoo  U c.: qof cayroobay kaalmayn; qof wax aan filanayn siin; qof tartan ku jira garab siin.
cadgoosasho  eeg cadgooso.
cadgooso  Ka c.: cid godob ka gashay ka aarsasho.
cadgoyn  eeg cadgoo.
cadh  Dhibco-dhibcaha ka soo horreeya daruur markaas di'id bilaabaysa.
cadhayn  eeg cadhee.
cadhee  1. Cadho ku daarasho. 2. Dhaliicayn.
cadho1  Cudur nabarro iyo cuncun badan oo lays qaadsiyo. cadho2  (daaw.) Caallir maqaarka oo uu keeno “sarcoptes scabiei”. Cadhadu waxay caan ku tahay cuncun badan weliba habeenkii, finan cascas, iyo aalaba caallir kale oo ka dul taga dhiigga. Deriskunoolka waxay dhex jeexdaa maqaarka ukumaheedana ku daadisaa, yaryarka ukunta ka soo baxana si sahlan ayey qofka kale u raaci karaan. cadhoobid  eeg cadhow.
cadhow  Wax cadho ku dhacday noqosho.
cadow  ld cadaawad.
cadownimo  Cadow ahaansho.
cadowti  ld cadowtinnimo.
cadowtinnimo  Dareenka colaad iyo xumaan ee laba qof ama ka badan isu hayaan. ld cadowti, cadowtooyo.
cadowtooyo  ld cadowtinnimo.
cadrad  Bikrad.
caduur  ld caduuro.
caduuro  Geed leh caleemo yaryar, miro kuuskuusan, macaan iyo laamo dhuudhuuban. ld caduur.
page : 18 of 95
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>