jarreero 1. Ladnaan. 2. Axsaan, wanaag, naxariis.
jarri (c.nafl.) Shimbir yar oo af guduudan oo xoolaha shilinta ka gurata. ld jirri.
jarriin ld jarid.
jarriinsii ld jarsii.
jarsii Ciyaar turub, qof haad uusan hayn inuu jaro ku qasbid.
jasaar Qofka wanaaggii loo galo ka abaal dhaca. ld jisaar.
jasaarnimo Jasaar ahaansho. ld jisaarnimo.
jasiirad (jool.) Gabal dhul ah oo ay ku wareegsanyihiin biyo, gabalkaasi dhulka ah wuxuu ku dhexyaal badweyn, bad, haro, ama webi. ld jasiiro.
jasiirad-shacaabi (jool.) Dhul-badeed ka samaysan dhagaxshacaabi ka fog dhul kale, kuna dhex taal bad ama biyo weyn oo kale, joogeeduna aad uma sarreeyo.
jasiirad-u-eke (jool.) Dhul badankiisa biyo ku wareegsanyihiin.
jasiiro ld jasiirad.
jasuur Aqal dhagax ah; daar; sar.
jaw1 Yoon dhegta dhexdeeda laga dareemo, kaddib markii aad loo harraado. jaw2 1. Kaamil. 2. Jibaad meel fog laga maqlaaya. 3. Keli ah. jaw3 Erey la yiraahdo kolka wax lala yaabo. jawaab1 Hees loo qaado xoolaha la shubayo. jawaab2 Warcelin. jawaab3 1. Wixii lays weyddiiyey ka warcelin. 2. Xoolo la shubaya hees u qaadid. jawaabid eeg jawaab³.
jawaan Kiish ka samaysan liilammo ama xargo yaryar oo la isku falkiyay. ld joonyad, juuni.
jawdheer 1. (bot.) Geed caleemo madmadow oo yaryar iyo laamo oo dhuudhuuban oo asal fiican leh. 2. (m.u) Laan la jaray oo mayraxdii laga gurtay oo engegtay oo ul laga dhigto ama la shito. 3. Masalle harag ah.
jawharad Dhagax qaali ah. ld johorad, jowhar.
jawi1 1. Hawada dhulka ku wareegsan. 2. Cimilo. jawi2 1. Nabar aan biskoon; joqofey. 2. Dhul hawd ah oo oomane ah. jawjaw Buuq.
jawjawlee Buuqid.
jawjawleyn eeg jawjawlee.
jawle Nooc ka mid ah noocyada bariiska.
jawlee Cabaadid.
jawleyn eeg jawlee.
page : 20 of 53
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>