Ereyga Maanta: fidmawade
xasaw   Miiq maro ama bir ah oo dharka iwm lagu qurxiyo; seri.
xasayn  eeg xasee.
xasaysan   Wax la xaseeyey ahaansho.
xasaysnaan  eeg xasaysan. ld xasays-naansho.
xasaysnaansho  ld xasaysnaan.
xasdid  xasad². ld xaasidid, xasidid.
xasee   Wax qarin, wax xas ku ridid.
xash  1. Jajab yaryar, aan waxtar lahayn oo dhuxusha ka jajaba. 2. Jajab kastoo ka hara qori la qoray ama wax la mid ah.
xashaash1  Xarrago; mardaaddi; shoob. ld xarshaash¹. xashaash2   Dhar cusub ama qurxoon xirasho. ld xarshaash². xashaashid  xashaash². ld xarshaashid.
xashar  ld xanshar.
xasharaad  Cayayaan.
xashiish  1. Xash. 2. Nooc ka mid ah maandooriyayaasha oo sida buuriga oo kale loo shito.
xashiishad  ld xashiish.
xashin   Maqaar harag ari oo laysku tolay ka samaysan oo lagu kaydiyo abuurka birqalaxda iwm.
xashir  Badar tuman oo jajab ah.
xashiri   Badar buunshe ka saarid. ld xanshiri.
xashirin  eeg xashiri. ld xanshirin.
xashwad   Dalool weyn oo ka dalooshama doon iwm.
xasidid  ld xasdid.
xasiigin  Miro yicibeed oo aan bislaan qardo ah.
xasil1  Aayar; miyir; tartiib. xasil2   1. Arrin iwm wax deggan noqosho. 2. Xoolo wax aayar u socda ama u daaqaya noqosho. xasildarro  Xasillooni la'aan.
xasili   1. Wax xasilloon ka dhigid. 2. Lacag iwm helid.
xasilid  eeg xasil².
xasilin  eeg xasili.
xasillan   Wax deggan ahaansho. ld xasilloon.
xasillanaan  eeg xasillan. ld xasil-lanaansho, xasilloonaan, xasilloo-naansho.
page : 29 of 60
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>