Ereyga Maanta: maneysi
suufi  1. Qof aan aqoon u lahayn diinta aadna u jecel. 2. Qof fudfudud oo waxyaabaha uu samaynayo aan ka fiirsan.
suufinnimo  Suufi ahaansho.
suufiyoobid  eeg suufiyow.
suufiyow  Suufi noqosho.
suugaan  1. Hadal tix ama tiraab ah oo murti hugan. 2. Laan aqoonta ka mid ah oo la barto; adab. 3. Naq; doog; cosob. ld soogaan.
suugaanley  Dad suugaanta aqoon u leh.
suugaanyahan  Qofka suugaanta yaqaan ama baara.
suugee  Cunto suugo ku darid.
suugeyn  eeg suugee.
suugeysad  ld suugeysasho.
suugeysan  Cunto wax suugo loo yeelay ahaansho.
suugeysasho  eeg suugeyso. ld suugeysad, suugeysi.
suugeysi  ld suugeysasho.
suugeysnaan  eeg suugeysan. ld suugeysnaansho.
suugeysnaansho  ld suugeysnaan.
suugeyso  Cunto suugo ku darsasho.
suugo  Iidaan ka kooban, hilib, khudrad iwm oo laysku kariyey oo cuntada lagu darsado (siiba baastada).
suuji  Cid ceejin.
suujin  eeg suuji. ld suujis.
suujis  ld suujin.
suul1  Farta weyn ee sacabka ama cagta ku taal. suul2  Wax dhammaasho. suulalgoys  Carsaanyo. ld suulgoys.
suuldaar1  1. Xiridda hal godlan weyday suulka laga xiro si ay u godlato. 2. eeg qonof. 3. ld suuldaarid. suuldaar2  1. Cid jillaafayn. 2. Hal godlan weydey suulka ka xirid si ay u godlato. suuldaaran  Hal suuldaar lagu sameeyey ahaansho.
suuldaarid  eeg suuldaar².
suuldhabaalayn  eeg suuldhabaalee. ld suuldhabaalays.
suuldhabaalays  ld suuldhabaalayn.
suuldhabaale  Suulka iyo fardhexaadda gacanta oo si xoog leh laysugu dhufto si looga soo saaro shanqar iyadoo wax loogu baaqayo.
page : 113 of 118
<< < 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 >