Ereyga Maanta: gurguurto
boy2  (boyay, boysay) ld oy. braagmatiismaha  Hab loo fikiro ama ku saabsan dhibaatada ficil ahaan, oo aan ahayn dariiq aragtiyeed..
bu'1  (bu'o, m.l) 1. Isha nafleyda inteeda madow. 2. Afarta caloolood ee raamsatada middeed. 3. Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado. 4. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan.. bu'2  1. (baay.) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiim.) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa.. bu'asho  eeg bu'o.
bu'o  Weel cadaadiska gudahiisa ku jira oo aad u batay awgeed furtuurid.
bu'yaro  (baay.) Jidh yar oo wareegsan oo isku cufan oo laga helo bu'da aan qaybsamin ee unugga dhirta iyo xayawaanka, taas oo ka kooban borotiin, DNA, iyo RNA. Waxay door muhiin ah ka ciyaartaa soo saaridda ribosoomka iyo borotiinka.
bub  Cayaar u eg shaxda oo ay ciyaaraan laba qof ama ka badan; yib; shantarad.
bubbucood  Dhul buurar ciid ah iyo geedo leh.
bucabbucayn  ld buhabbuhayn.
bucabbucee  ld buhabbuhee.
bucasho  eeg buco.
bucayn  ld bugayn.
bucee  ld bugee.
buco  Badar la dubay xamur noqosho.
bucshirad  ld bucshiro (1).
bucshiro  1. ld bucshirad. Ganacsi. 2. Alaab laga ganacsado, badeeco. 3. Nooc ka mid ah ciyaaraha turubka oo afarta warqadood ee badda taal la baayaco.
buctureen  (bot.) Geed yar oo caleemo iyo ubax udgoon leh oo guryaha, xafiisyada iwm lagu beero.
bucul  Qodaxda geedka sarmaanta marka ay qallasho.
bud1  Ul lagu dagaallamo oo madaxa buuran; bur; garruun. ld bur¹. bud2  1. Ciidda la tuuro qabriga dushiisa oo calaamad u ah. 2. Iil. 3. B. soo dheh: soo bixid (qorrax, dayax iwm). bud-dhig1  (dii.) Dhigitaanka qof dhintay iilka la dhigo. ld bud-dhigid. bud-dhig2  (dii.) Qof dhintay iil gelin. bud-dhige  Qofka qofka dhintay dad ugu xiga oo buddhiggiisa leh.
bud-dhigid  eeg bud-dhig². ld bud-dhig¹.
budaddar1  Adkaynta soor lagu adkeeyo budo. budaddar2  Soor bislaatay budo ku adkayn. budaddaran  Soor, wax la buddadaray ahaansho.
budaddarid  eeg budaddar².
budaddarnaan  eeg budaddaran. ld budaddarnaansho.
page : 93 of 108
<< < 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 > >>