Ereyga Maanta: meereysan
bulan  Ul qoyan, maro iwm bul yeelasho; sii gurmid.
bulay  Mayrax feeran oo haamaha bul lagu catireeyo.
bulayn  eeg bulee.
bulaysan  Wax bul loo yeelay ahaansho.
bulaysnaan  eeg bulaysan. ld bulaysnaansho.
bulaysnaasho  ld bulaysnaan.
bulbul1  B. ku ah: cilmi aqoon aad u sarreysa loo yeesho. bulbul2  Dhogor badan, dhaadheer, jilicsan oo ay nafleyda qaarkeed yeelato. buldi1  Bir dhagax iwm oo xarig dheer ku xiranyahay oo lagu cabbiro qotada biyaha badda, webiga iwm. buldi2  Biyo bad, webi iwm qotodooda cabbirid. buldiyid  eeg buldi².
bule  Qof habeeya ama isku duwa hawsha riwaayadda ama filinka.
bulee  Maro, ul iwm bul u yeelid.
buli  Shimbir-malab.
bulid  eeg bul².
buliis  ld boliis.
bullaacad  God musqul, dhuumaha qaada wasakhda musqulaha.
bullaale  1. Faras midabka dambarka leh. 2. Nooc ka mid ah jaadadka gorgorka.
bullo  1. Ciyaar hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, ragga iyo haweenku wada ciyaaraan, leh jiib, jaan, buun, durbaan iyo biro la isku garaaco. 2. B. ah: midab fardood dambarka u eg.
bulmid  eeg bulaan.
bulshannimo  Bulshey ahaansho.
bulshee  1. (f.g) Qof bulshey ka dhigid. 2. (f.mg) Ciyaar, dhalinyareyn iwm wakhti ku lumin.
bulshey  Qof dhaqan iyo anshax wanaagsan kula dhaqma bulshada uu la noolyahay.
bulsheyn  eeg bulshee.
bulsheynimo  Bulshey ahaansho.
bulsho  Dad meel ku wada nool oo isku dan ah.
bulu  Dhasha biciidka. ld bulul.
bulukaati  Bir-xaar dusha dheen dahab ahi ka marsanyahay.
bulukeeti  Saddex-jibaarane yar, ka samaaysan ciid bataax ah iyo shamiito la isku qasay oo guryaha lagu dhisto; jaajuur.
bulul  ld bulu.
page : 96 of 108
<< < 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 > >>