Ereyga Maanta: gurguurto
bukaannimo  Bukaan ahaansho.
bukaanqaad  Sariirta yar ee lagu qaado qofka aad u jirran.
bukaansocod  1. Qof jirran oo socon kara oo lugtiisa ku taga meeshii uu iska daaweyn lahaa. 2. Bukaansocod-eegto.
bukaansocod-eegto  Meesha dadka jirran lagu baaro cudurradooda oo lagu daaweeyo, laakiin aaney seexan.
bukaar  ld bakaar.
bukabbukayn  1. ld bukayn. eeg bukabbukee. 2. ld buhabbuhayn.
bukabbukee  1. ld bukee. Wax garaacid si lagu jilciyo. 2. ld buhabbuhee.
bukasho  eeg buko. ld bukood.
bukayn  ld Bukaysiin; bukabbukayn.
bukaysii  1. Nafley bukaan ka dhigid (Ilaah). 2. Wax bukaan ah iska dhigid. ld bukee.
bukaysiin  eeg bukaysii. ld bukayn.
bukee  ld bukaysii; bukabbukee.
bukid  eeg bug².
buko  Wax bukaan ah noqosho. ld bukoo.
bukoni  Moos waaweyn oo la kariyo. ld bukaani.
bukoo  ld buko.
bukood  ld bukasho.
bukur1  Haruubka dhiil ama aagaan yar. bukur2  Dhiil ama aagaan yar oo caanaha lagu shubto. bul1  1. Miiqyo badan oo dun, mayrax iwm ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo. 2. Saynta ka laallaadda dabada nafleyda qaarkeed inteeda dambe. bul2  (bulay, bushay) Mayrax, dun iwm miiqyo yaryar ka dhigid. bulaal1  ld bulaalid. bulaal2  1. Nafley taran iyo barwaaqo helid. 2. Wax tiradooda iyo tayadooda badasho. bulaali  Nafley taran iyo barwaaqo siin (Eebbe). 2. Wax tiradooda iyo tayadooda badin.
bulaalid  eeg bulaal². ld bulaal¹.
bulaalin  eeg bulaali.
bulaamid  eeg bulaan². ld bulaan¹.
bulaan1  1. Cod weyn aan ereyadiisu sugnayn oo dad badan oo isku mar hadlaya sameeyaan. 2. ld bulaamid. bulaan2  Dad badan oo isku mar hadlaya codweyn oo aan ereyadiisu sugnayn sameyn. bulac  ld mulac.
page : 95 of 108
<< < 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 > >>