Ereyga Maanta: meereysan
bulumbulyo  Cayayaan yar, u eg suuska badarka gala oo qoryaha dhuuxooda burburiya; xar.
buluqbuluq  1. Buluqbuluqleynta. 2. B. ah: qof buuran oo hilib jilicsan leh. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar mayridda ah.
buluqbuluqlee  Hilibka saaran nafley aad u cayishay ruxasho.
buluqbuluqleyn  eeg buluqbuluqlee.
bulush  Miiqyo badan oo dun, mayrax iwm ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo.
buluto  Meereyaasha qorraxda kan ugu dambeeya ee ugu fog. Buluuto ama Buluto 2006 ayaa laga saaray Meerayaasha rasmiga ah.
buluug  1. Midab kan cirka ama badda oo kale ah. 2. Qurus yar, budo buluug ah ka samaysan oo dharka cad la geliyo si midabkiia loo khafiifiyo.
buluuto  eeg buluto.
bulxamid  eeg bulxan².
bulxan1  Cod nafley badani isku darto oo farxad iyo qosol leh. bulxan2  Nafley badan cod farxad iyo qosol leh samayn. bumbo  ld bambaano.
bun  1. Geed dhulka kulul ka baxa, dhala miro kuuskuusan oo beer iyo qolof adag leh. 2. Miraha geed bunka oo laga sameeyo qaxwaha, kafee. 3. Miraha bunka oo saliid ma subag lagu shiilay.
bunaaxi1  ld banaaxiyid. bunaaxi2  ld banaaxi². bunaaxin  ld banaaxiyid.
bunaaxis  ld banaaxiyid.
bunaaxiyid  ld banaaxiyid.
bunaaxo  ld banaaxo.
bunaysad  ld bunaysasho.
bunaysasho  eeg bunayso. ld bunaysad, bunaysi.
bunaysi  ld bunaysasho.
bunayso  1. Bun la shiilay cunid. 2. Saliid ama subag bun lagu shiilay marsasho.
bunbay  Bir af dhuuban oo lagu eego muunada badar jawaan ku jira; kasbo¹.
bundad  Xirmo dhar ah oo ka kooban dhawr daaqadood.
bundaqiijiye  Makiinadda bunka lagu shiido.
bunduq  ld buntuq.
bungaree  ld bamgaree.
bungareyn  ld bamgareyn.
bungis  ld bunkis.
page : 97 of 108
<< < 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 > >>