Ereyga Maanta: dalankacee
bunji  Xarig badan oo dhumuc weyn leh oo laga sameeyay xaskusha, boocda iwm.
bunkis  Baqshad. ld bungis.
bunnaahi1  ld banaaxiyid. bunnaahi2  ld banaaxi². bunnaahin  ld banaaxiyid.
bunnaahis  ld banaaxiyid.
bunnaahiyid  ld banaaxiyid.
bunnaasho  ld banaaxo.
buntuq  Hub fudud, leh dhuun xabbaduhu maraan oo ilaa ilqabato wax ka dila. ld bunduq, dumbuq.
bunuug  eeg banki..
buq1  1. Meesha ay biyaha ka soo burqadaan. 2. Ceel biyo badan leh. 3. Hogaha shaxda midka dhexda ku beegan. buq2  1. (jool.) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqr.) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun). buq3  Biyo, neef, gaas iwm oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celinayay tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho. buqad  ld buqasho.
buqasho  eeg buqo. ld buqad, buqid.
buqbuqayn  eeg buqbuqee.
buqbuqee  Caano, buqbuqo ka dhigid.
buqbuqo  Caano ciir ah iyo kuwo dhay ah oo la isku daray. ld buqbuqood.
buqbuqood  ld buqbuqo.
buqcad  ld bugcad.
buqid  eeg buq³.
buqo  Weel aburan cadaadiska gudihiisa ku jiro oo batay awgeed fur tuurid.
buqshad  ld baqshad.
buqul1  Haruub yar oo dhallaanka caanaha lagu siiyo; dhoqol. buqul2  Dhiil yar oo caanaha loogu shubo dhallaanka; dhoqol. buquuji  Ceejin.
buquujin  eeg buquuji.
buquul  ld baqal¹.
bur1  1. Budo cad oo rootiga, malawaxa iwm laga samaysto. 2. Taag ciid. 3. Cad yar (ciid, soor, sonkor iwm). 4. Hal geed oo caws ah oo bahalladda yaryar galaan. 5. Abur; xoor. bur2  Ul culus, toosan, madax buuran leh oo hub ahaan loo qaato; qool; garruun. ld bud¹.
page : 98 of 108
<< < 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 > >>