Ereyga Maanta: gurguurto
codayn  eeg codee.
codbaahiye  Qalab elegtaroonig ah oo codka dheereeya.
codbixi  Wax la dooranaayo cod ka dhiibasho.
codbixin  eeg codbixi. ld codbixis.
codbixis  Dhiibashada cod laga dhiibto wax la dooranayo. ld codbixin.
codcod  Subag sixin ah oo fariistay.
codee  1. U c.: cid la dooranayo cod siin. 2. Ku c.: eray kor u akhriyid si loo maqlo. 3. Wax heesid; wax halaburid.
codeyn  (c.af) Laan ka mid ah cilmiga afka oo la xiriira dhawaaqyada ereyada.
codkac  (c.af) Cod dheer oo ku dul dhaca hal shaqal oo ka mid ah ereyga; codkacu rugo kala duwan ayuu ereyada uga dhacaa, taasna waxay keentaa in lagu kala saaro ereyo micnahooda, siiba kuwa qoraalkoodu isku midka yahay, sida “ìnan” (oo wiil ah) iyo “inàn” (oo gabar ah).
codkar  C. ah: qof hadalkiisu fasiix yahay oo figraddiisa si fiican u jeedin kara.
codkarnimo  Codkar ahaansho.
codlaawe  (c.af) Xaraf marka lagu dhawaaqayo aan afka dabayli ka soo baxayn.
codle  (c.af) Xaraf marka lagu dhawaaqayo dabayl xoog lihi afka ka soo baxdo.
codo  Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
codsad  ld codsasho.
codsasho  eeg codso. ld codsad, codsi.
codsi  Si xushmad iyo qaddarin leh oo cid wax loo weyddiisto. ld codsasho.
codso  Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
cokad  ld cukad.
cokadayn  ld cukadayn.
cokadee  ld cukadee.
cokan  ld cukan.
cokanaan  ld cukanaan.
cokanaansho  ld cukanaan.
col  1. (u) Koox dad ah oo hubeysan. 2. Laba qof ama ka badan oo isu haya dareen nacayb iyo isdiidmo ku jiro. 3. (u) Koox dad ah oo shaqo ka dhexeysa.
colaad  Dareen nacayb iyo isdiidmo ku jira oo laba qof ama ka badan isu hayaan.
colaadi  Cid cadaad u hayn.
colaadin  eeg colaadi. ld colaadis.
colaadis  ld colaadin.
coldhob  ld collob.
page : 81 of 95
<< < 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 > >>