Ereyga Maanta: bedertami
cufee  ld gufee.
cufnaan  Layiignimo; cumur.
cufnaan u-eegan  (fiis.) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.
cufnaan-hoorbeeg  (fiis.) Qalab lagu cabbiro cufnaanta ama cufnaanta u-eegan ee hoorka.
cufnaanta tirada dadka  (juqr.) Xaddiga tirada dadka ee ku nool gobol, tusaale ahaan: Awstiraaliya waxay leedahay xaddi tiro yar oo dad ah.
cug1  ld cub¹. cug2  ld cub²; ld cul. cugaal  Qoryo geedo gaar ah laga soo guray oo weelasha qaarkood lagu culo.
cugan1  ld cuban¹. cugan2  ld cuban²; culan. cugasho  ld cubasho.
cugay  ld culay.
cugid  ld Cubid; culid.
cugmid  ld cubmid.
cugnaan  ld Cubnaan; culnaan.
cugnaansho  1. ld cubnaan. 2. ld culnaan.
cugo  ld cubo.
cugtamid  ld cubtamid.
cugtan1  ld cubtan¹. cugtan2  ld cubtan². cuguf  ld cagaf.
cukad  Harag ari oo qaab sibraar loo habeeyey, oo laga ganacsado. ld cokad.
cukadayn  eeg cukadee. ld cokadayn.
cukadee  Harag ari cukad ka dhigid. ld cokadee.
cukan  Xoolo biyo ka dhergay ahaansho. ld cokan.
cukanaan  eeg cukan. ld cokanaan, cokanaansho, cukanaansho.
cukanaansho  ld cukanaan.
cukane  Geed yar oo adaahida u eg oo leh buruq dibadyaal ah iyo laamo dhuudhuuban.
cukur  Dhudhunka iyo calaacashu meesha ay iska galaan; jalaqley.
cul  Weel caanood ama biyood qori dab ah gudihiisa oo dhan xoqid, si loo nadiifiyo. ld cug².
page : 86 of 95
<< < 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 > >>