Ereyga Maanta: firikhi
cuddis  ld cuddin.
cuddo  ld ciddo.
cuddoon  Wax qaabkiisu isu dheellitiranyahay ahaansho.
cuddoonaan  eeg cuddoon. ld cuddoonaansho.
cuddoonaansho  ld cuddoonaan.
cudud1  1. Xubinta u dhexeysa garabka iyo xusulka. 2. Xoog; awood. cudud2  Wax xoog ku muquunin. cududid  eeg cudud².
cudur  Caafimad-darro jirka noolaha ama qayb ka mid ah ku dhacda, oo uu keeno jeermi iwm.
cudur-aqoonsi  (daaw.) Aqoonsiga cudur oo uu takhtarku ku gaaro: wareysiga bukaanka, astaamaha cudurka iyo baaritaan sheybaar iyo raajo iwm.
cudur-goboleed  (daaw.) Cudur sida badan ama sida joogto ah looga helo waddan ama gobol gaar ah.
cudur-raagay  (daaw.) Sifo cudur muddo dheer socda; sida badan cudurkaas si kadis ah uma bilowdo. Ereygu waxba kama sheegayo khatarta cudurka. cudurrada galmada (C.G.) m.dh (daaw.) (C.G.) Cudur kasta oo la isugu gudbiyo galmada ama isutagga ragga iyo dumarka. C. g.du waxay ka koobanyihiin: eydiska, xabbadda (waraabow), jabtada, herbiska cawrada.
cudurdaar1  Sababta uu qof ka sheego waxa arrin ku kalliftay. cudurdaar2  U c.: sababta arrin kalliftay sheegid. cudurdaarasho  eeg cudurdaaro.
cudurdaarid  eeg cudurdaar².
cudurdaaro  Cudurdaar sheegasho.
cudurro-faafa  (daaw.) Cudurrada la is qaadsiiyo waxaana cudurrada la isugu gudbin kara: ayadoo la taabto qof buka jirkiis, ayadoo la qaado qalab leh jeermigii cudurka ama ayadoo la neefsado dhibicyo calyo ah oo qufaca ka yimaado iyo neef jeermi sidda.
cudurside  (daaw.) Noole ka qaybqaata koritaanka jeermiga qaarkisa cudurrada keena.
cuf  1. Inta walaxdu ka koobantahay maaddadeeda. 2. ld cub 1 (1).
cuf-hawo  (c.cimi.) Hawo isku dabeecad ah oo ku gadaaman dhul door ah lana xadaysan mid kale oo ka duwan.
cuf-isjiidad1  Isa soo jiidashada ka dhexeysa laba walax kasta oo jira. cuf-isjiidad2  (fiis.) Ifafaalaha la xiriira xoogga soo jiidashada dhulku uu ku hayo walax kasta oo cuf leh, taalana oogada dhulka. cufayn  ld gufeyn.
cufays  ld gufeyn.
cufaysan1  ld gufeysan¹. cufaysan2  ld gufeysan². cufaysmid  ld gufeysmid.
cufaysnaan  ld gufeysnaan.
cufaysnaansho  ld gufeysnaan.
page : 85 of 95
<< < 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 > >>