Ereyga Maanta: gurguurto
colguri  1. Naag la qabo oo dhibaato badan. 2. Xuguf iyo isnaceyb ka dhexeeya dad ehel ah oo meel ku wada nool; dagaal sokeeye.
colleysad  ld colleysasho.
colleysasho  eeg colleyso. ld colleysad, colleysi.
colleysi  ld colleysasho.
colleyso  Cid la colloobid.
collob  1. Hilib si yaryar oo oodkaca ka waaweyn loo jaro oo subag lagu shiilay ku jira. 2. Oodkac. ld coldhob, locob.
colloobid  eeg collow². ld collow¹.
collow1  ld colloobid. collow2  La c.: cid colaad u qaadid. colwade  1. Qof garwadeen u ah col. 2. Qof colaad iyo xasilooni la'aanta jecel; fidnawale.
conqor  Biyaqabad yar, aan hoos u dheerayn oo dhadhaab dusheeda ku yaal.
conqorree  Xubin sac dhali waayay sancayn.
conqorreyn  eeg conqorree.
conqorreysan  Wax la conqorreeyey ahaansho.
conqorreysnaan  eeg conqorreysan. ld conqorreysnaansho.
conqorreysnaansho  ld conqorreys- naan.
coobbakari  Awr iwm coobbada aad buurid.
coobbakarin  eeg coobbakari.
coobbayn  eeg coobbee.
coobbe  Cunaha awrka ee buufsima marka gulguloonayo.
coobbee  Cune buurid (awr).
coobil  C. ah: orgi si dhaqsa ah aan u dareemin astamaha orgoodka rida.
coobilnimo  Coobil ahaansho.
coobir  Nin fil weyn oo xoog leh.
cood  1. Maal; hanti. 2. Xoolaha la dhaqdo. ld cuud¹ (4).
cooddi  Hilib baruur leh.
coodin  Geed nagaar dhulka ku faalala oo leh laamo dhudhuuban, caleemo yaryar iyo buruq biyo badan oo la cuno.
coof  Timo aad u baxay oo aan laga shaqayn.
coofaar  Lab libaax ama daanyeer, duq ah oo leh bulbul badan.
coofley  1. Nooc shimbir biyoodka ka mid ah, midab cad oo koox u socota. 2. Cantallay; xuur. 3. Feerta geela meesheeda ugu dambeysa ee leh hilib jilicsan iyo baruur. 4. Inan yar oo aan weli timihii loo dabin.
page : 82 of 95
<< < 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 > >>