Ereyga Maanta: gurguurto
cagajiid1  1. Socod aayar ah oo wahsi ku jiro. 2. C. ah: si aan caddaan ahayn u diidid wax loo diray. 3. ld cagajiidid. ld ciddijiid¹. cagajiid2  Wax si cagajiidnimo ah u samayn. ld ciddijiid². cagajiidid  eeg cagajiid². ld cagajiid¹ (3), ciddijiidid.
cagajiidnimo  Cagajiid ahaansho.
cagajugle  1. Dhaar iyo handadaad cid loo jeediyo si loo cabsi geliyo. 2. ld cagajugleyn.
cagajuglee  U c.: qof si loo cabsi geliyo dhaar iyo handadaad u jeedin.
cagajugleyn  eeg cagajuglee. ld cagajugle (2).
cagasaar  Meel la korayo ama laga degayo meelaheeda kala korreeya ee cagta la sii saarto.
cagataallayn  eeg cagataallee.
cagataallee  Hawl laysu diray oo qabashadeeda la diiddanyahay ka warwareegid.
cagayn  eeg cagee.
cagcagaar  Qudaar; khudrad.
cagee  Cid cag la dhicid.
cageysad  ld cageysasho.
cageysasho  eeg cageyso. ld cageysad, cageysi.
cageysi  ld cageysasho.
cageyso  Neef irmaan sacab ku maalid.
cagi  1. Wakhtiga markaa la joogo; haddeer; imminka. 2. Meel.
Cagidiiba  Markiiba.
cagsalaax  Cudur geela cagaha ka gala oo aysan tuluddu ku joojin karin cagafta jirran, in ay dhulka ku xoqayso mooyee.
cagsi  Ka soo hor jeedo; lid. ld caksi.
cahdi  Ballan adag oo lagu heshiiyo. ld axdi..
cajaa'ib  Wax aad loola yaabo.
cajab1  Yaab. cajab2  La c.: wax la yaabid. cajabi  C./ka c.: qof yaab ku abuurid.
cajabid  eeg cajab².
cajabin  eeg cajabi.
cajalad  Qalab ka kooban laba qalbac oo caag ah, dhexdana ku leh mullaax dheer oo codka lagu duubo.
cajar  Bowdo.
page : 21 of 95
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>