Ereyga Maanta: gurguurto
cagaaris  ld cagaarin.
cagaariye  (baay.) Walaxda mas'uulka ka ah midabka cagaaran ee dhirta badidoodu leedahay, molikiyuulka cagaariyuhu waa xudunta ugu muhimsan ee nuugista ilayska marka la eegayo falgallada ilayska ee footoosintasiska.
cagaarnaan  eeg cagaaran. ld cagaarnaansho.
cagaarnaansho  ld cagaarnaan.
cagaaro  1. Wax cagaar noqosho. 2. Caano la lulayo firfiryeelasho.
cagaarshow  1. Cudur dadka ku dhaca,beerka waxyeeleeyo, oo indhaha iyo kaadida cagaarsha. 2. (daaw.) Hurdi noqoshada ama cagaarashada jirka meelo ka mid ah sida: maqaarka, caddaanka indhaha; taas oo tilmaameysa biilirubiinka oo dhiigga ku badan. ld Indhacaseeye.
cagaarside  (baay.) Cagaarside laga helo unugyada dhirta waaweyn iyo aljiga. Marka laga reebo cagaar-buluugga ah dhirta waaweyn C.duhu wuu wareegsanyahay sida saxanka oo kale, laakiin ka aljigu wuu muuqaalo badanyahay.
cagaaryahan  Dad qudaarta ku nool oo aan hilibka cunin.
cagabbaruur  1. Dhasha yaryar ee libaaxa. 2. Ilmo aad u cayilan oo aan socod weli gaarin.
cagabbeel1  Hanti yar oo la siiyo qof baadi doonay. cagabbeel2  Ku c.: qof, baadidoon daal badan kala kulmid. cagabbeelid  eeg cagabbeel². ld cagabbeelis.
cagabbeelis  ld cagabbeelid.
cagacad  Wax aan kabo xiranayn ahaansho.
cagacaddaan  eeg cagacad. ld cagacaddaansho.
cagacaddaansho  ld cagacaddaan.
cagadhabad  ld cagadhabasho.
cagadhabasho  eeg cagadhabo. ld cagadhabad.
cagadhabo  Caga dhulka la dhicid.
cagadhigasho  eeg cagadhigo.
cagadhigo  1. (f.g) Wax duulaya sida haad, dayuurad iwm dhulku degid. 2. (f.mg) Nafley socota ama caraysan xasilid.
cagaf  Cagta geela. ld cuguf.
cagafcagaf1  Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado. cagafcagaf2  C. leh: cod lagu muujiyo meermeeridda. cagag  Weel gun gaaban.
cagaggubyo  Kulka cagta nafleydu dareento markay kulaylka qorraxdu ku dhacdo ciidda. ld cagagubad.
cagaggubyoo  Cagagubyo dareemid.
cagaggubyood  eeg cagaggubyoo.
cagago  Nabarro salka carrabka ee dadka iyo geela ka soo baxa.
cagagubad  ld cagaggubyo.
page : 20 of 95
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>