Ereyga Maanta: jaw
caddaalad  Maamul ku dhisan eex la'aan.
caddaaladdarro  Fal ay eexi ku jirto.
caddaaladxumo  Fal ay eexi ku jirto.
caddaamad  ld caddaan¹.
caddaambuluug  Midab buluug ah oo caddaan xigeen ah.
caddaan1  1. Midabka cad. 2. Dadka inta midabkoodu cadyahay. 3. C. ah: lacag wax lagu kala iibsaado oo aan badeeco ahayn. 4. Daacadnimo; run. 5. Dhagax dumnadeed aan dhibco lahayn. ld caddiin. caddaan2  eeg cad². ld caddaansho. caddaan-bibanji  ld caddaan-bibiish.
caddaan-bibiish  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad dhinacna shan dhibcood ku leh. ld biish-bicaddaan, caddaan-bibanji.
caddaan-bidooh  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay dhinac ka cad, dhinacna laba dhibcood ku leh. ld dooh-bicaddaan.
caddaan-bijoohaar  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna afar dhibcood ku leh. ld joohaar-bicaddaan.
caddaan-bisaliim  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna saddex dhibcood ku leh. ld saliim-bicaddaan.
caddaan-bishiis  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna lix dhibcood ku leh. ld shiish-bicaddaan.
caddaan-biyeeg  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna hal dhibic ku leh. ld yeeg-bicaddaan.
caddaansadaf  Midab caddaan xigeen ah oo dhalaal ku jiro.
caddaansho  eeg caddow². ld caddaan².
caddaato  Daruur waqti galabnimo ah biyo yar sii daysay.
caddad  1. Wax tiro ahaan inta uu ka koobanyahay. 2. Wargeys, qoraal iwm oo si isdabajoog ah u soo baxa, lambarka ay leyihiin inta isku mar soo baxda.
caddadhuuni  Shimbir yar garbaha ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; dahabo.
caddallool1  Ciyaar carruureed ilmuhu qoray la tuurayo ay ku ciyaaraan habeenkii iyaga oo labo labo koox isagasoo horjeeda. caddallool2  Caddaallool ciyaarid. caddalloolid  eeg caddallool².
caddayn  eeg caddee. ld caddays (3).
caddays  1. Shaah caano yar lagu daray. 2. In yar oo caano ah oo loogu talaggalay in shaah lagu caddeeyo. 3. ld caddayn.
caddaysad  ld caddaysasho.
caddaysan  1. Wax la caddeeyey ahaansho. 2. Wax caano lagu daray ahaansho (shaah).
caddaysasho  eeg caddayso. ld caddaysad, caddaysi.
caddaysi  ld caddaysasho.
caddaysimo  1. C. ah: neef la rarto o aan rar saarnayn. 2. C. ah: fallaar aan waabaayo la marin. ld caddaysin.
caddaysin  ld caddaysimo.
page : 16 of 95
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>