Ereyga Maanta: Diilalyo
firin   Qori yar oo dhuuban oo ilig ama ka badan leh, badi ahaanna xardhan oo timaha lagu feero. ld fire.
firinbi  ld firimbi.
firindiglee   ld farandullee.
firindigleyn  ld farandulleyn.
firindigleys  ld farandulleyn.
firindiglo   ld farandulle.
firinfirle  Neef mar hore dhalay oo caano yareeyay oo aan la caweysimin ee geeljiruhu fiidka hore maalo; juno.
firiqo   Wiil yar ama gabar yar oo anshax xun.
firiqsan   ld filiqsan.
firiqsanaan  ld filiqsanaan.
firiqsanaansho  ld filiqsanaan.
firir1  1. Cadad ama dhibco yaryar oo ka soo faniinay wax is haystay ama qarxay. 2. ld firdhid. firir2  (firdhay/firiray, firirtay; -rdhi/-riri) F./kala f.: wax wada jirey kala yaacid. firiri   ld firdhi.
firirid  ld firdhid.
firirin  ld firdhin.
firirsan   Wax wada jirey oo kala yaacay ahaansho. ld firdhisan.
firirsanaan  eeg firirsan. ld firdhisnaan, firdhisnaansho, firirsa- naansho.
firirsanaansho  ld firirsanaan.
firo1  1. Wax jajabay oo habaasoobey oo dabayshu qaaddo; saxar, boor. 2. Nooc ka mid ah ciyaarta turubka oo lagu khammaaro. firo2   Timo iwm feerasho. firoobid  eeg firow.
firow   1. Wax firo yeelasho. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale isu geddiyid.
firqo  Dad koox ah; horin.
firqoon   Nafley orgeysan ahaansho (ariga, lo'da iwm).
firqoonaan  eeg firqoon. ld firqoonaansho.
firqoonaansho  ld firqoonaan.
firshaysan   Wax firshoobay ahaansho (degaan).
firshaysnaan  eeg firshaysan. ld firshaysnaansho.
firshaysnaansho  ld firshaysnaan.
page : 57 of 73
<< < 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 > >>