firsho 1. (-ooyin, m.l) ld farsho. Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. 2. Degaan aan bacrin ahayn.
firshoobid eeg firshow.
firshow Firsho noqosho (degaan).
firxad ld firxasho.
firxasho eeg firxo. ld firxad.
firxo 1. Si aan nidaamsanayn u cararid. 2. Kala f.: wax wada jirey meelo kala duwan u kala cararid.
fisika ld fiisiko.
fisikada qaraamiga (fiis.) Qaybaha fisikiska ee soo jireenka ahaa ilaa qarnigii 19aad, ka hor aragtida kuwaantum iyo u-eegidda intaan la ogaan. F. q.u waxa ay badanaa ku dhisnayd mekaanikada niyuutan iyo aragtida birlabdanabeedka ee Jaymis Maakiswel.
fisikis ld fiisiko.
fisiko ld fiisiko.
fisiq ld fisqi.
fisiyooloji (baay.) Barashada shaqooyin-ka dhismayaasha iyo dariiqooyinka bayo-kiimikeed ee ka dhaca dhismayaasha iyo noolaha guud ahaanba.
fisqi Falal xun oo aan diinta iyo dhaqankuba oggolayn. ld fisiq, fusqi, fusuq.
fitaax1 1. Wax aan ciriiri ahayn. 2. ld fitaaxid. fitaax2 Wax waasac noqosho. ld fataax². fitaaxi Wax ballaarin. ld fataaxi.
fitaaxid eeg fitaax². ld fataax¹, fataaxid, fitaax¹.
fitaaxin eeg fitaaxi. ld fataaxin.
fitaaxsan Wax la fitaaxiyey ahaansho (xero). ld fataaxsan.
fitaaxsanaan eeg fitaaxsan. ld fataaxsanaan, fataaxsanaansho, fitaax- sanaansho.
fitaaxsanaansho ld fitaaxsanaan.
fitamiin Qayb ka mid ah nafaqooyinka cuntada laga helo oo jirka ka shaqaysiisa. ld faytamiin.
fitilig 1. (-go, m.l) Xarig yar, guntin leh oo ka laallaada dabinka oo inta godka la geliyo garangarta iyo dhidibku isuhayaan. 2. (sh.r) F. dheh: si dhegdheg ah u dhaqaaqidda ama isu rogidda.
fix Qosol f. la dheh: aad u qoslid.
fixlayn eeg fixlee.
fixlee Aad u qoslid.
fiyooliin (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada.
fiyoor (juqr.) Bad-jiid dheer oo dhuuban oo gala dhulka xeebta badda, kaas oo leh dhinacyo tiiradoodu ay taagantahay.
fog 1. Wax durugsan ahaansho. 2. Ka f.: wax, wax kale ka durugsan ahaansho.
fogaad ld fogaansho.
page : 58 of 73
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 > >>