Ereyga Maanta: qaflad
fooddad   Garbasaar.
foodgoo   Gabarnimo ku aroosid.
foodgooyo  1. Wax foodda sare laga jaro. 2. ld foodgoyn.
foodgoyn  eeg foodgoo. ld foodgooyo (2).
foodi   Isu f.: laba wax ama ka badan isbarbardhigid.
foodin  eeg foodi.
foodley  Gabar yar oo aan weli qaangaarin; dhoocil.
foodsaar1   1. Raar aqalka miyiga wejiga hore laga saaro. 2. Gabbaad. 3. ld foodshareer. Maro haweenku wejiga saartaan. 4. ld foodsaarid. foodsaar2   1. Wax kafool kafool uga hor tegid. 2. Meel ku gabbasho. foodsaarid  eeg foodsaar². ld foodsaar¹ (4).
foodshareer   1. ld foodsaar 1 (3). 2. Timaha foodda oo inta salxanyaha soo dhaafa wejiga yareeya oo foolxumeeya; wejiga qaarkiisa kore oo aan dadku badanaa timo ku lahayn, timo ka baxa.
foof1  1. Xoolo daaq doonad ah. 2. Meesha xooluhu daaqaan. 3. Inta u dhexeysa xerada iyo daaqsinta. 4. Kadin geel ah. 5. Daaq. 6. ld foofid. ld soof¹. foof2   Xoolo daaq doonasho. ld soof². foofi   Xoolo daaq geyn. ld soofi.
foofid  eeg foof². ld foof¹ (6), soof¹, soofid.
foofin  eeg foofi. ld foofis, soofin, soofis.
foofis  ld foofin.
foofiye   (baay.) Meel yar oo diisan oo ku taalla badhtanka qaybta dambe ee natiinaha qaar ka mid ah lafdhabarleyda. Waa meesha ugu muhiimsan ee uu ku soo dhaco ilaysku, waana halka aasaaska u weyn ee ragga. Waxa laga helaa qorratada, qaar ka mid ah shimbiraha iyo garadleyda ay ku jiraan dadku.
foofsad  ld foofsasho.
foofsasho  eeg foofso. ld foofsad, foofsi, soofsad, soofsasho, soofsi.
foofsi  ld foofsasho.
foofso   Xoolo daaq geysasho. ld soofso.
foog  1. F.ta/berri f.ta: maalinta gelinkeeda hore; subax. 2. Berri.
foogan   Wax soo taagan oo aan meel laga maro lahayn ahaansho.
foognaan  eeg foogan. ld foognaansho.
foognaansho  ld foognaan.
foohaar  Xarrago dhar waaweyn loo qaato oo is tustus iyo kibir ku jiraan.
foohaari   Is f.: xarrago iyo isweyneyn dhar waaweyn u qaadasho oo dadka is tustusid.
foohaarin  eeg foohaari.
foojig   ld feeyig.
page : 60 of 73
<< < 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 > >>