Ereyga Maanta: joohaar-bibiish
foolcararid  eeg foolcarar². ld foolcarar¹.
fooldhabasho  eeg fooldhabo.
fooldhabo   Bun la dubay jirka marsasho.
fooldhaq1  1. F. ah: biyo yar oo wejiga lagu dhaqo. 2. ld fooldhiqid. fooldhaq2   U f.: cid wejiga u dhaqid. fooldhaqasho  eeg foodhaqo.
fooldhaqo   Weji mayrasho.
fooldhaw  Bun la dubay oo jirka la marsado.
fooldhiqid  eeg fooldhaq². ld fooldhaq¹ (2).
fooldiin  Xanuun fooleed qabta dheddigoodka dhalaya marka ay soo sid dhoweeyaan. ld foolbeenaad.
foolhallaabid  eeg foolhallow². ld foolhallow¹ (2), fooltag¹, fooltegid.
foolhallow1  1. Dheddig foolanaya oo xanuun la lumay. 2. ld foolhallaabid. foolhallow2   Dheddigood foolanaya xanuun la lumid. ld fooltag². fooli   Dheddig foolanaya ilaalin.
foolid  eeg fool4.
foolin  eeg fooli . ld foolis.
foolis  ld foolin.
foolkaano-dambaseed   (jool.) Qurubyo yaryar oo laarfa, oo badanaa leh qaab goobo, kaasoo dibadda u soo tuurtay foolkaano iyadoo dareere ah, adkaanaysana markey soo dhacdo.
foolmaroodi  Labada ilig ee dhaadheer ee maroodiga gafuurkiisa ka taagan.
foolnugayl  1. Cabsi badi qof leeyahay. 2. Xishood badi qof leeyahay.
foolnuglaan  eeg foolnugul. ld foolnuglaansho.
foolnuglaansho  ld foolnuglaan.
foolnugul   1. Wax cabsi badan ahaansho. 2. Wax xishood badanahaansho.
foolo   Fooldareemid.
foolshareer  Timo wejiga qofka qaybtiisa sare ka soo baxa.
foolt  (fiis.) Summad V. Halbeegga caalamiga ee keyd faraqa ama xoogga danab wadidda (x.d.w.), waxaana loo qeexaa keyd faraqa u dhexeeya laba barood oo ku yaalla gudbiye sida qulqul danab oo le'eg hal ambiyeer, marka awoodda ku baxday laba barood inta u dhexeysa ay tahay hal waat. Waxa loogu magac daray aqoonyahankii Alisaandaroo Foolt.
foolt-beege   (fiis.) Qalab lagu cabbiro xaddiga keyd faraqa ee u dhexeeya laba barood. F. waxaa mareegta loogu xidhaa barbarro.
fooltag1  ld foolhallaabid. fooltag2   ld foolhallow². fooltegid  ld foolhallaabid.
page : 62 of 73
<< < 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 > >>