Ereyga Maanta: geedamaal
guddoonsasho  eeg guddoonso. ld guddoonsad, guddoonsi.
guddoonshe  ld guddoomiye.
guddoonsi  ld guddoonsasho.
guddoonsii  Cid wax u dhiibid.
guddoonsiin  eeg guddoonsii.
guddoonso  Arrin go'aan ka qaadasho.
gudgude  Roob habeen da'a oo dhaqso dhul weyn maaruqa.
gudguduud  1. Midab, midab guduud ahi meela dhowra kaga jiro. 2. Waabberi.
gudid  eeg gud². ld gudaal, gudmo (2), gudniin.
gudimmo  ld godin (1).
gudin  ld godin (1).
gudmo  1. Waddo yar. 2. ld gudid.
gudnaan  eeg gudan. ld gudnaansho.
gudnaansho  ld gudnaan.
gudniin  ld gudid.
gudniinka-ragga  (daaw.) Buuryada wiilasha oo la gooyo sida badan waxa loo sameeyaa sabab diimeed ama caado, laakiin mararka qaarkood daweyn ayuu noqdaa.
gudo1  Wax mug leh dhexdiisa. gudo2  1. Waajib oofin. 2. Wax cid lagu lahaa ama laga tirsanayey ka goosasho. 3. Caruur buuryo ka goyn. gudo-noqod-dhan  (fiis.) Marka fallaadh ilays kaga dhacdo dusha dhextaal cufnaan obtikaad yar, xagal abbaar ka weyn xagal qirinqiirka, halkii ay uga gudbi lahayd dhextaalka cufnaanta yar ayay dib ugu soo noqotaa dhextaalka cufnaanta badan.
gudo-unug  (baay.) Unugga dhexdiisa, tusaale ahaan: waxqabadka insaymada badankoodu waxay ka dhacaan unugyada dhexdooda.
gudoodi  1. Habeen gudihiis. 2. Guure; socod habeen.
gudow  Xaflad la sameeyo marka carruurta la gudayo.
gudub1  1. Hab cayaarta waalada loo dheelo oo laba qof si isweydaar ah gacmaha isu dhaafsadaan. 2. Babac. 3. ld gudbid. gudub2  1. (f.g) Wax dhaafid. 2. (f.mg) Ku g.: wax dhexdooda wax kale ku goyn. gudur  1. Hilib jiir ah oo adag. 2. ld guduri. Nooc gorgorka ka mid ah oo leh qoor diiran iyo midab madow.
guduri  ld gudur (2).
guduud  Midab dhiigga u eg.
guduudan  Wax midab guduud ah leh ahaansho.
guduudane  Bahal bisadda u eg kase weyn oo midab guduudan leh oo ariga cuna.
guduudasho  eeg guduudo².
page : 87 of 102
<< < 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 > >>