Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
guluus  Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. ld galuus.
gumaad1  1. Baabi'inta wax la baabi'iyo. 2. ld gumaadid. gumaad2  Wax baabi'in. gumaadid  eeg gumaad². ld gumaad¹ (2).
gumaar  1. Halka bisqintu ka baxdo oo xubnaha taranka ee dadka ka sarreysa. 2. (-rro, m.dh) Dhaawac dab oo biskooday.
gumaax1  1. Bir aan af ama caarad dhuuban lahayn. 2. ld gumaaxid. gumaax2  Bir wax aan af ama caarad dhuuban lahayn ka dhigid. gumaaxan1  Wax gumaaxmay noqosho. gumaaxan2  Wax la gumaaxay ahaansho. gumaaxid  eeg gumaax². ld gumaax¹ (2).
gumaaxmid  eeg gumaaxan¹.
gumaaxnaan  eeg gumaaxan². ld gumaaxnaansho.
gumaaxnaansho  ld gumaaxnaan.
gumac  ld gumuc.
gumar  Geedgaab qodax, mayrax, xabag iyo miro leh oo ka mid ah dhirta daawada leh.
gumbur  Buur yar; kur.
gumburi  Dameer dibadeed ku nool gobollada Nugaal iyo Sanaag.
gumeysad  ld gumeysasho.
gumeysasho  eeg gumeyso. ld gumeysad, gumeysi.
gumeysi  1. Hab dawladaha waaweyni kaga maroorsadaan dawladaha yaryar xorriyaddooda, dhaqaalahooda iwm. 2. ld gumeysasho.
gumeyso  Cid addoonsasho.
gumeyste  Qof wax addoonsada.
gummaad  Cunto; gasiin.
gummud  1. Dabo sigaar; haash. 2. Wax la jaray sida gacan iwm inta ka harta.
gumre  ld gunre.
gumuc  1. Xabbad; rasaas. 2. Salka, fuuqa barta fargaddu ku dhacdo. ld gumac.
gumuux1  ld gamuux¹. gumuux2  ld gamuux². gumuuxan  ld gamuuxan.
gumuuxid  ld gamuuxid.
page : 91 of 102
<< < 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 > >>