Ereyga Maanta: fullaacsan
gumuuxnaan  ld gamuuxnaan.
gumuuxnaansho  ld gamuuxnaan.
gun  1. Dad tol yari lagu liido. 2. Dadweyne; tol. 3. Weel halka uu ka unkamo. 4. Jirridda geedka iwm.
gunaad  Nabar kor ka biskooday oo hoos ka jirran.
gunaadsan  Dhaawac wax hoos ka buka ahaansho.
gunaadsanaan  eeg gunaadsan. ld gunaadsanaansho.
gunaadsanaansho  ld gunaadsanaan.
gunaanad1  1. Dhammaystiridda wax la dhamaystiro. 2. ld gunaanadid. gunaanad2  1. Qof dhimanaya quraan ku akhriyid. 2. Dood iwm dhammaystirid. gunaanadan  Wax la gunaanday ahaansho.
gunaanadid  eeg gunaanad². ld gunaanad¹ (2).
gunaanadnaan  eeg gunaanadan. ld gunaanadnaansho.
gunaanadnaansho  ld gunaanad- naan.
gunaanadseeg1  1. Yaasimin la'aanta uu la kulmo qof dhintay. 2. ld gunaanad- seegid. gunaanadseeg2  Qof dhintay, gunaanad waayid. gunaanadseegid  eeg gunaanadseeg². ld gunaanadseeg¹ (2).
gunbur  (juqr.) Qayb yar oo dhulka dushiisa ka mid ah oo ka kacsan waxyaabaha hareeraheeda ah, kana joog hoosaysa buur.
gundhaw  Cayayaan, salka hoose ka gooya geedka digirta iyo qaraha.
gundhawr  1. Bartamaha gaashaanka. 2. Xoogaa masaggo ah oo lagu reebo mooyaha marka wax lagu tumayo.
gundhi1  1. ld gundhis. Bir yar oo caarad dhuuban iyo gawl leh oo kabaha iwm lagu tolo. 2. ld gundhin. gundhi2  Xarig, madax iwm si tartiib ah oo aan joogto ahayn u nuuxin. gundhig1  Wax la biirinayo ama la tarminayo inta ugu horreysa oo laga bilaabo; saldhig; raasamaal. gundhig2  Wax la biirinayo ama la tarminayo intooda ugu horreysa asaasid. gundhigad  ld gundhigasho.
gundhigasho  eeg gundhigo. ld gundhigad.
gundhigid  eeg gundhig².
gundhigo  Wax la biirsanayo ama la taransanayo intii ugu horreysey billaabid.
gundhin  eeg gundhi². ld gundhi¹ (2).
gundhis  Bir daab qori ah leh, afkana fantax ku leh oo wax lagu tolo.
gundho  Asaas; gaw; sal.
page : 92 of 102
<< < 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 > >>