Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
gulaalan2  1. Wax doobbo ka soo dhici weyday ahaansho (awr). 2. Wax iin lug ku leh ahaansho (neef geel). gulaalid  eeg gulaal². ld gulaal¹ (3).
gulaalmid  eeg gulaalan¹.
gulaalnaan  eeg gulaalan. ld gulaalnaansho.
gulaalnaansho  ld gulaalnaan.
gulaan  1. Geedgaab caleemo dhanaan, daranta la bah ah, oo geelu daaqo. 2. Neef ama qof hagaas noqday oo korriimadii ka xumaatay.
gulfi  1. Ciidan dagaal gelin. 2. Orod aan xawli lahayn ordid.
gulfid  eeg guluf². ld guluf¹ (3).
gulfin  eeg gulfi. ld gulfis.
gulfis  ld gulfin.
gulguladillaacsad  ld gulguladillaac- sasho.
gulguladillaacsasho  eeg gulgula-dillaacso. ld gulguladillaacsad.
gulguladillaacso  1. Awr qoor ah doobbo soo ridid bilaabid. 2. Qof codkar ah noqosho.
gulgulo  Xubinta awrku ka doobbiyo; doobbo.
gulguloo  Gulgulo soo ridid (awr).
gulgulood  eeg gulguloo.
guluc  1. Rogrogmadka isha guruxeeda. 2. Meel laabato ah; guho.
gulucsii  Isha guruxeeda rogrogmasho.
gulucsiin  eeg gulucsii.
guluf1  1. Koox yar oo fardooley ah oo dagaal u jeedda. 2. Orod aan xawli ahayn oo waqtiga dhiillada iyo colaadda la sameeyo. 3. ld gulfid. guluf2  1. Koox yar oo fardooley ah dagaal aadid. 2. Orod aan xawli ahayn waqti coolad iyo dhiillo jirto samayn. gulukows  (kiim.) Sonkor badankeeda laga helo dhirta iyo xaywaanka. G.tu waa il ay tamar badan ka helaan noolayaashu. Sonkorta xilliga neefsashada waxa ku dhaca ogsidhayn taas oo soo saarta kaarboon laba ogsaydh leh, biyo iyo tamar. Dhirtu waxay ku heshaa g.ta habka footoosintasiska, waxaanay u keydsantaa istaarj ahaan, xayawaankana waxay uga timaadaa dheefshiidka ku dhaca dhaysakaraydhyada iyo boolosakraydh-yada, waxaanay u keydsantaa staarj xayawaan ahaan.
gulukows burburin  (baay.) Falgallo bayokiimikeed oo taxane ah, oo guluukowsta loo jejebiyo bayruufeyt iyada oo loo sii daynayo tamar loo isticmaali karo qaabka ATP.
gulungulcee  Biyo, mas iwm si dulundulco ah u socosho. ld dulundulcee.
gulungulceyn  eeg gulungulcee. ld dulundulceyn.
gulungulco  1. Qaab gaaban oo kankoonsan leh; kuusan; lucuuman. 2. Daruur cufan oo biyo sidda ama da'aysa. 3. ld gulungulceyn. ld dulundulco.
guluub  Aalad yar, kuusan, if bixisa oo tooshashka iyo korontooyinka lagu xiro.
guluuluc1  1. Hoos u qaadidda gabay ama hees, hoos loo qaado. 2. ld guluulucid. guluuluc2  Hees ama gabay hoos u qaadid. guluulucid  eeg guluuluc². ld guluuluc¹ (2).
page : 90 of 102
<< < 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 > >>