Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
guduudi1  Nooc ka mid ah masaggada, yaryar oo cas cas. ld guduudshe. guduudi2  Wax guduud ka dhigid. guduudin  eeg guduudi².
guduudnaan  eeg guduudan. ld guduudnaansho.
guduudnaansho  ld guduudnaan.
guduudo1  Nooc kalluunka ka mid ah. ld guduudow. guduudo2  Wax midab guduudan yeeshay noqosho. guduudow  ld guduudo¹.
guduudshe  ld guduudi¹.
guf1  1. Cad yar oo maro ah weelasha haruubkooda lagu cufeyo. 2. Hambo. 3. Maro. guf2  Hanti yar oo la siiyo qaraabada ama waalidka gabar la aroosay. gufaaco1  1. Roob dabayl soo harbinayso. 2. Hirar waaweyn oo dabayli ku dheehantahay oo badda kacsani soo daacdo. gufaaco2  (juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo, oo kala ah laba nooc. Nooc wuxuu gaar u yahay loolalka cimiladoodu ay tahay meel dhexaadka; nooca kalena waxaa loo yaqaanaa gufaacada kulaaleyda. Labada nooc waa isu egyihiin, sababtoo ah labaduba waxay uga dhac aan galoob-badhka woqooyi si lid saacad wareeg ah, galoob-badhka koonfureedna si saacad wareg ah. gufaacoo  Dixiri sanqada geela gudaheeda ka abuurmo neef xoog leh uga soo saarid.
gufaacood  eeg gufaacoo.
gufacaale  Roob badan oo dabayl xooggani waddo.
gufar  Wax yar oo adag oo hoos uga degey hoore meel ku jira.
gufaysad  ld gufaysasho.
gufaysasho  eeg gufayso. ld gufaysad, gufaysi.
gufaysi  ld gufaysasho.
gufayso  Meel daloosha guf ku cufaysasho.
gufee  Meel guf gelin.
gufeyn  eeg gufee. ld cufayn, cufays, gufeys (2).
gufeys  1. Xakab yar oo ka dambeeya xakabka horyaalka ah. 2. ld gufeyn.
gufeysan1  Wax la gufeeyey noqosho. ld cufaysan¹. gufeysan2  Wax guf loo yeelay ahaansho. ld cufaysan². gufeysmid  eeg gufeysan¹. ld cufaysmid.
gufeysnaan  eeg gufeysan². ld cufaysnaan, cufaysnaansho, gufeys- naansho.
gufeysnaansho  ld gufeysnaan.
gufi  1. Jirrid xabaalan oo geed la jaray ka hartay. 2. Sabuul gallay oo mirihii laga finjilay.
page : 88 of 102
<< < 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 > >>