Ereyga Maanta: dhiifoonaan
tarandhaaf1  ld tarandhaafid. tarandhaaf2  Wax aad u badasho. tarandhaafid  eeg tarandhaaf². ld tarandhaaf¹.
taransad  ld taransasho.
taransasho  eeg taranso. ld taransad.
taranso  Wax faa'iideysasho ama badsasho.
tarantarree  1. (f.g) Laba meelood oo isu dhow isaga socosho. 2. (f.mg) Xoolo xawaaro samayn.
tarantarreyn  eeg tarantarree.
taranti  ld tarmid.
tarantirid  (daaw.) Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.
tarash1  ld taarash¹ (2). tarash2  ld taarash². tarashid  ld taarashid.
tarbiico  Iin dadku lugaha ku yeeshaan oo jilbuhu dib u riixmaan.
tarbiicsasho  eeg tarbiicso.
tarbiicso  1. Si tarbiico leh isu taagid. 2. Derbi in yar isku tiirin.
tarbiyad  ld tarbiyo.
tarbiyee  Cid asluub wanaagsan ku barbaarin.
tarbiyeyn  eeg tarbiyee.
tarbiyo  Asluub fiican. ld tarbiyad.
tarbuush  Koofiyad dhuuban oo dhalada ama dhinac bul dheer ka raaraco oo askartii talyaanigu qaadan jireen; waxaa waagii hore raggu ka qaadan jiray dalka Turkiga. ld darbuush.
tardhaaf  T. ah: xad-dhaaf.
tareen  Gaadiid ka kooban gaariyaal badan oo isku xiriira oo midka u horreeyaa ee wax jiidayaa matoor saaran yahay kuna orda jid bir ah. ld tariin.
targal  1. Sarwaal hoos ka dhuuban oo badanaa fardaha lagu fuulo.2. Sarwaal.
tarid  eeg tar³. ld tar¹ (2).
tariib1  Nabarro yaryar oo jirku yeesho oo ka qaado dhirta caanaha leh qaarkood. tariib2  Nabarro yaryar oo jirku yeesho dhirta caanaha leh qaarkeed ka qaadid. tariibid  eef tariib².
tariin  ld tareen.
tarjimad  ld tarjumo.
page : 23 of 60
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>